Xiddiga Ay Isku Haystaan Portugal Iyo England, Man United Iyo Bayern Munich Oo U Tartamaya Xiddig AC Milan Ah Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta

Real Madrid waxay diyaarisay dalabkii ugu dambeeyey ee ay ka gudbinayso Kylian Mbappe oo qandaraaskiisa PSG uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan. 24 jirkan ayaa ay Real Madrid u qabatay in ugu dambayn uu ku aqbalo January 15, haddii kale waxay si rasmi ah uga hadhi doonaan doonistiisa. (AS)

Weeraryahanka Brazil ee Richarlison oo 26 jir ah ayaa waxa doonaya kooxaha horyaalka waddanka Sucuudiga, laakiin Tottenham ayaa ku xidhay shuruud ah inay bixiyaan £60 milyan oo Gini oo ah lacagtii ay kasoo iibsatay Everton. (90 min)

Noni Madueke oo 21 jir ah ayaa doonaya in uu iskaga tago Chelsea oo uu ka waayey waqti ciyaareed oo ku filan. (Teamtalk)

Tababarihii hore ee Chelsea iyo ERverton ee Frank Lampard iyo macallinkii hore ee Aston Villa ee Dean Smith ayaa loo kala dooranayaa tababaraha kooxda horyaalka Maraykanka ee Charlotte FC. (Athletic)

Difaaca Newcastle ee Tino Livramento oo sharcigu u ogol yahay in uu u ciyaaro xulalka Scotland iyo Portugal oo uu mid walba doonayo, ayaa waxa uu doortay inuu u dheelo xulka qaranka England. (Telegraph)

Liverpool waxay xidhiidh la samaysay weeraryahanka Benfica ee Kyanno Lorenzo Silva oo ah 18 jir u dhashay waddanka Netherlands. (Football Insider)

West Ham ayaa loo sheegay inay bixiso £40 milyan oo Gini haddii ay doonayso inay la saxeexato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Inter Milan iyo xulka Turkey ee Hakan Calhanolu oo 29 jir ah. (Calciomercato)

AC Milan ayaa diyaarisay dalab ay ka gudbinayso difaaca Arsenal iyo xulka Poland ee Jakub Kiwior, waxaanay doonayaan in 23 jirkan ay kusoo qaataan amaah uu la socdo qodob waajib ka dhigaya inay xagaaga iibsadaan. (90 min)

Goolhayaha xulka France ee Mike Maignan oo 28 jir ah ayaa u sheegay AC Milan in aanu heshiis cusub u saxeexayn, waxaana ay arrintani ka farxisay Man United, Bayern Munich iyo kooxo kale oo reer Yurub ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga