Manchester United Oo SADDEX Dhibcood Ka Xoogtay Chelsea Iyo Manchester City Oo La Garaacay

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa kusoo laabatay jidka guusha, waxaanay 2-1 ku garaacday Chelsea oo marti ugu ahayd Old Trafford, hase yeeshee waxa guul-darro xanuun kulul loo xambaariyey Manchester City oo ay Aston Villa kaga adkaatay 2-1, taas oo ka dhigan in saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay Man City lumisay sagaal dhibcood oo horyaalka Premier League ah.

Ciyaarta sida weyn loo sugayay waxay ahayd kulanka Old Trafford oo si weyn indhaha loogu hayay natiijada labada kooxood ee daalaa-dhacaya ee Manchester United iyo Chelsea, kuwaas oo ku jira xaalado adag oo ay mid walba u baahnayd inay guuleysato.

Manchester United ayaa rikoodhe heshay daqiiqaddii lixaad bilowga ciyaarta, markaas oo lugta lagaga istaagay Antony oo kubbad lasoo galay xerada ganaaxa, waxaase rikoodhaha khasaariyey Bruno Fernandes oo uu ka qabtay goolhaye Sanchez.

Waqti badan kuma aanay qaadanin Manchester United inay la wareegto hoggaanka ciyaarta, waxaana daqiiqaddii 19aad goolka furitaanka ciyaarta dhaliyey Scott McTominay oo lugta bidix ku dhamaystiray kubbad uu ka helay xerada ganaaxa oo ay difaaca Chelsea iska saari kari waayeen.

Chelsea ayaa diidday inay is-dhiibto waxaanay gacanta ku dhigtay khadak dhexe iyadoo Manchester United kubbadeedu ka socotay labada garab oo ay bandhig fiican ka samaynayeen Alejandro Garnacho iyo Antony.

Garnacho ayaa kubbad loogu dhiibay dhinaca bidix waxa uu usoo gooyey difaaca waxaanu kula soo dhowaaday xerada ganaaxa ka hor intii aanu ku tooganin goolka oo aanu waxyar birta u marin.

Daqiiqaddii 45aad ayay Chelsea keentay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Cole Palmer oo labada kooxoodba ka dhigay kuwo siman oo uu dagaalkoodu dib kasoo bilaabmayo.

Chelsea iyo Manchester United waxay qaybta dambe ku dagaallameen khadka dhexe, iyadoo Red Devils dib u fadhiisatay oo ku dheelaysay weerar rogaal-celis ah.

Alejandro Garnacho ayaa u dhiibay dhinaca bidix kasoo qaaday kubbad uu madax awood badan ku qabtay Scott McTominay daqiiqaddii 69aad, waxaana uu goolkani noqday midka labada kooxood sida dhabta ah u kala saara.

Red Devils waxay dhamaadkii u baahatay goolhaye Andre Onana oo dedaal badan u sameeyey si uu dhawr kubbadood u badbaadiyo.

Broja oo beddel kusoo galay ayaa birta garaacay, iyadoo Onana uu xidhay goolkiisa oo uu diiday in ay kubadda u weydaarato haddii ay birta soo dhaafo.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Manchester United oo yeelatay 27 dhibcood, soona cidhiidhsatay kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League iyagoo 9 dhibcood ka dambeeya Arsenal oo hoggaanka haysa iyo kaalinta afraad ee ay City ku jiro oo ay saddex dhibcood u jiraan.

Dhinaca kale, Aston Villa ayaa 1-0 ku garaacday Manchester City oo ciyaartii afraad oo xidhiidh ah ee horyaalka Premier League ah aan wax guul helin.

City oo barbarro lasoo gadhay Chelsea, Liverpool iyo Tottenham saddexdii ciyaarood ee u dambeeyey horyaalka Premier League, ayaa waxa ay booqatay Aston Villa oo 1-0 kaga adkaatay, waxaana goolkan madiga ah labada kooxood ku kala saaray Leon Bailey oo daqiiqaddii 74aad dhaliyey gool uu ku burburiyey difaacyahannada.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Manchester City ay lumisay sagaal dhibcood oo horyaalka Premier League ah afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaanay u dhaadhacday kaalinta afraad ee miiska kala-sarraynta oo ay ku haysato 30 dhibcood, waxaana dhaaftay Aston Villa oo booska saddexaad soo gashay waxaanay haysataa 32 dhibcood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga