Tababare Premier League Ah Oo Asxaabtiisa U Sheegay In Shaqada Laga Caydhinayo Iyo Qofka Lagu Beddelayo

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxa usbuucan horraantii laga eryay tababarihii koowaad ee xilli-ciyaareedkan oo noqday Paul Heckingbottom oo ay Sheffield United daaqadda ka saartay, haddana waxa la sugayaa tababarihii labaad oo maalmaha soo socda la shaacin doono inuu shaqadiisa lumiyey.

Chris Wilder ayay heshay Sheffield United oo la wareegay xilka, sidoo kalena tababaraha kale ee hadda la eryayo ayaa ay kooxdiisu diyaarsatay beddelkiisa.

Maadaama horyaalka Premier League uu kala-badh kusii dhowaanayo, kooxaha aanay natiijooyinkoodu fiicnayn ayaa doonaya inay isbedello sameeyaan, si ay iskugu dayaan in ay sare ugu soo kici karaan.

Tababaraha kooxda kubadda cagta Nottingham Forest ee Steve Cooper ayaa miiska saaran hadda oo shaqada laga caydhin doonaa, waxaana Cooper uu sii ogaaday qofka lagu beddelayo iyo xilliga shaqada laga caydhinayo.

Arbacadii oo ay Fulham 5-0 ku xasuuqday Nottingham Forest ayaa waxa ay keentay in kooxdani ay go’aan ka gaadho tababare Steve Cooper maadaama ay kooxduna qarka u saaran tahay khadka cas oo ay booska 16aad ku jirto.

Jamaahiirta kooxda Nottingham Forest ayaa u kacay Steve Cooper oo dhamaantood sacabka u tumay markii ay dhamaatay ciyaartu, waxaana taas loo qaatay in ay ahayd macasalaamayn.

Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Wayne Veysey, Steve Cooper ayaa ku wargeliyey saaxiibbadii in shaqada laga eryayo maalmaha soo socda oo la diyaariyey beddelkiisa, waxaana uu xusay in Evangelos Marinakis oo ah mulkiilaha kooxdu uu doonayo inuu ku beddelo macallinka reer Spain ee Julen Lopetegui.

Nottingham Forest ayaa 15 ciyaarood oo Premier League ah oo ay dheeshay waxay kaliya guuleysatay saddex jeer xilli-ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga