Xiddig U Ciyaara Barcelona Oo Iska Diiday In Uu Ku Biiro Man United Suuqii Xagaaga

Sida laga soo xigtay Sport, Barcelona ayaa isku dayday inay iska iibiso De Jong xagaagan, iskuna dayday inay ku riixdo United.

Man Utd ayaa suuqa ugu jirtay xiddig khadka dhexe ka ciyaara, De Jong ayaa ahaa mid ka mid ah dookhyadooda ugu muhiimsan iyaga oo ku dhibaatoonayay in ay PSG Kala heshiiyaan saxiixa xiddiga Manuel Ugarte.

Wargayska Sport ayaa ku waramaya in Barcelona ay aad u doonaysay in ay iska dirto xiddiga De Jong si ay meesha uga saaraan mushaharkiisa waxana ay ka wal-walsanaayeen in uu xiddigu doonayo in uu dhamaystiro heshiiskiisa dhacaya 2026.

Barcelona ayaa doonaysay in ay xiddiga De Jong ku iibiso 40 milyan oo euro laakiin xiddiga reer Netherlands ayaa diiday in uu ka tago kooxda Barcelona.

Man United ayaa xiiso wakhti fog ah u haysay De Jong iyada oo Ten Hag taageero weyn u yahay xiddiga kadib markii uu kula soo shaqeeyay Ajax.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga