Xavi Oo Ugu Dambayn Ogolaaday In Uu Badalo Go’aankiisa, Maxaa Cusub.

MILAN, ITALY - OCTOBER 04: FC Barcelona coach Xavi Hernandez looks on before the UEFA Champions League group C match between FC Internazionale and FC Barcelona at San Siro Stadium on October 04, 2022 in Milan, Italy. (Photo by Marco Luzzani/Getty Images)

Barcelona ayaa go’aansatay masiirka tababare Xavi Hernandez, go’aan kama dambeys ah, ka dib markii uu tababaraha la kulmay madaxweynaha kooxda, Joan Laporta kulankaas Oo qaatay Muddo saacado ah.

Raadiyaha Isbaanishka ee Catalunya ayaa sheegtay in Xavi uu sii ahaan doono tababaraha Barcelona xilli ciyaareedka soo socda, isagoo aan dib u cusbooneysiin qandaraaska ay labada dhinac soo gabagabeeyeen.

raadiyaha ayaa sharraxday in Deco, oo ah agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona, uu u soo jeediyay Xavi inuu xoojiyo kaaliyaha shaqaalaha Kuna Soo daro shaqaale cusub.

Kulankii maanta ee ka dhacay guriga Laporta, ayaa la isku afgartay in tababaruhu uu sii wato  shaqada ka dib markii uu ogolaaday shuruudaha kooxda, waxaana uu sii ahaan doonaa tababaraha kooxda.

Kooxda.com ayaa xusaysa in xavi go’ansaday in uu ka tago Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga