Xavi Oo Sharaxay Sababtii Uu U Badalay Go’aankii Uu Kaga Tagayay Kooxda Barcelona.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Xavi ayaa shaaciyay sababtii uu u badalay go’aankiisa una sii joogay kooxda wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Xavi oo bishii January shaaciyay in uu isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaa shalay si lama filaan ah u shaaciyay in uu sii joogi doono kooxda.

Xavi ayaa haatan hogaamin doona kooxda Barcelona ilaa inta uu dhici doono heshiiskiisa kooxda Barcelona.

“Waan bedelay Go’aankayga sababtoo ah waxaan runtii kalsooni buuxda ka dareemay madaxweynaha, guddiga iyo ciyaartoyda sidoo kale. Mashruucan weli ma dhamaan.”

“Aniga, shaqaalahayga, dhamaanteen waxaan dareemaynaa inaan haysano awood aan ku samayno waxyaabo muhiim ah oo aan sii wadno mashruucan”.

“Wararka ku saabsan inaan sii joogayo si aan u helo lacagta heshiiskayga waa war been ah oo la sameeyay”.

“Madaxweynuhu waa uu ogyahay in haddii aan koox ka tagi lahaa, aanan Barcelona weydiisan lahayn hal euro sanadka ugu dambeeya ee qandaraaskeyga.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga