Waa Maxay Sababtii Uu Louis Van Gaal U Joogay Anfield Kulankii Liverpool & Chelsea Ee Premier League.

Cody Gakpo ayaa lagu soo waramayaa in uu tababarihii hore Man United Louis Van Gaal ku marti qaaday in uu Anfield ka daawado kulankii ay kooxdiisu ka badisay chelsea.

Xiddiga reer Netherlands ayaa kaydka ku bilowday kulankii Anfield ee horyaalka premier League.

Tababare Van Gaal ayaa lagu arkay qaybta martida ee garoonka intii ay socotay ciyaartu.

Louis Van Gaal ayaa haatan ah tababaraha xulka qaranka Netherlands waxana uu Anfield ku yimid marti qaad uga yimid xiddiga Liverpool.

Xiddiga Gakpo ayaa kaydka ka soo galay qaybtii dambe ee ciyaarta waxana uu kooxdiisa ku hogaamiyay guul muhiim ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga