FIFA ayaa xaqiijisay in Omar Cabdulqaadir Cartan uusan ka garsoori karin Koobka Adduunka kadib markii loo diiday inuu galo Mareykanka.
Garsooraha Soomaaliyeed ayaa ka mid ah garsoorayaasha ugu sumcadda badan Afrika. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa sheegtay in Cartan uu u safray isagoo sita fiise (visa) sax ah oo Mareykan ah.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxay ku jirtaa liiska dalalka ay saaran tahay xayiraadda socdaalka ee ay soo rogtay maamulka Madaxweyne Trump.
🗣️ FIFA ayaa tiri:
“FIFA kuma lug laha habraacyada socdaalka ee dalka martigelinaya, oo ay ku jiraan go’aamada la xiriira bixinta fiisayaasha. Waxaa naloo sheegay in mas’uuliyiintu ay caddeeyeen in xaaladda Mr. Cartan aan wax isbeddel ah lagu samayn doonin waqtigan”
“Sida dhacday tartamadii hore ee FIFA, dowladda dalka martigelinaya ayaa ugu dambayn go’aamisa cidda la siinayo fiisaha iyo cidda loo oggolaanayo inay dalka soo gasho.”
Be the first to comment