“Waxa uu ka bilawday wax walba oo ku saabsan mawduucan dugsiga hoose:

Macallinka ayaa soo fadhiistay miiskiisii ​​wuxuuna ku yiri:
Xitaa markaas wuu hubay inuu doonayo inuu noqdo ciyaaryahan kubbadda cagta ah, laakiin wuu fekerayay!! :
“Shaqo caynkee ah ayaa doonaysaa inaad mustaqbalka qabato?. Laakiin Sideen u qoraa? Ma awoodo inaan qoro. Muxuu macalinku oran doonaa, tani ma shaqo baa?”
Sidaa darteed cabsi lasoo daristay awgeed, wuxuu qoray inuu doonayo inuu noqdo koronto yaqaan sida aabihiis oo kale, sidoo kale Cunto kariye sababtoo ah wuxuu jecel yahay inuu wax cuno iyo darawal kaxeeya gawaarida xamuulka sababtoo ah wuxuu jecel yahay safarka.
Gurigiisa waxa uu ka mid yahay meelaha uu ugu jacaylka badan yahay ee uu kubbadda cagta uu ku ciyaari karo, gaar ahaan barxadda guriga ka hoosaysa, waxuu ku dhex ciyaari jiray wax yar oo iska baashaal ah, isaga oo naftiisa ka dhaadhiciyay in uu noqday ciyaaryahan kubadda cagta ah.
Habadiisa ayaa ka billaabatay geerish uu aabbihii uu dhigan jiray gaarigiisa Fiat 127, waxa uu kubbadda teniska ku laaday dhinaca nalka/laydhka geerishka laga shido lagana damiyo, isaga oo mararka qaar tooganaya badhanka, taas oo keentay in nalka uu shido, marar kalena uu damiyo.
Dabadeed waxa uu bilaabay in uu ku ciyaaro wadada, hooyadii ayaa u yeerta.
Alex, gaalay waa waqtigii iskuulka.
“Hooyo, weli wiil yar ayaan ahay… Waxaan noqon doonaa ciyaaryahan kubbadda cagta markaan weynaado, u sheeg macalinka taas”
Tani waa sababta uu u/ku dhashay halyeyga hirgalay ee Alessandro Del Piero
“Pinturicchio” 🔟. November 9, 1974 ayu ku dhashay Conegliano, Italy.
W/D: Xasuusaha di Calcio 🤍 💙
{ Fariin-teenna caawa: “Wixii aad jeceshahay dadaal uun’ baa kaa xiga }.
FG: Hoos waxa kuu dhignay goos-goos yar iyo wixii ugu muhiimsan intii laga yiri 👇🏻.
Bal adba iyo xasuustaada?.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga