Taarikh: Weli Miyaa Lagagaaga Warbixiyey Taarikhda Halyeygii Reer Holland Johan Cruyff

Abriil 3, 1982, intii lagu jiray ciyaartii Ajax vs Nice..
Iyada oo mareysa 3-0 Tababaraha Ajax ayaa ciyaarta ka saaray 35 jirka weerarka uga ciyaara Johan Cruyff wuxuuna ku bedelay 17 jir safanaya kulankiisii ​​ugu horeeyay ee kooxda.
Wiilka yar, wax yar ka dib markii uu soo galay garoonka, ayuu dhaliyay goolkiisii ​​ugu horeeyay ee kooxda koowaad… waliba si cajiib ah taasina waxay ahayd fariintii koowaad ee uu diray iyo in wiilkan yar ee beddelka lagu keenay, laga yaabo inuu noqon karo ciyaaryahan weyn…
Da’yarkan 17-jirka ah oo lagu magacaabo Marcel, ciyaartaas ka dib, wuxuu badal u noqday John Cruyff, Cruyff oo kursiga keydka fadhiya iyo Marcel oo lagu soo bilaabayo, gool dhalis kiina waa uu sii wadaa.
128 Gool ayuu dhaliyay 133 kulan. Wuxuuna noqday Mashiin gool dhalineed oo ku qanciyay madaxweyne Berlusconi inuu bixiyo 1 bilyan iyo 750 milyan oo Liras, Marcel dartii… Qof walba ama qof kastaa wuxuu u yaqaannaa Marco van Basten sababtoo ah waqti yar gudaheed wuxuu noqday caan caan dhalay oo macno leh…
Laacibka waxa uu galay quluubta jamaahiirta Rossoneri, sidaas darteed waxa ay bilaabeen in ay iibsadaan tigidhada si ay u daawadaan kaliya… Hubaal, waa weeraryahanka ugu fiican taariikhda Milan… iyo kii ugu wacnaa waayaha boqortooyadii weyneyd ee Milan, laakiin… Agoosto 17, 1995, shir jaraa’id oo uu qabtay.. midigtiisa waxaa fadhiyay mudane Galliani, bidixna Braida, wuxuu ku dhawaaqayaa …
“Warku waa gooban yahay… si fudud waxaan ka fariisan doonaa kubadda cagta… waa intaas”.
Ereyadan gooban ayuu Marco van Basten wuxuu ku macsalaameeyay kubbadda cagta. Sababtuna waxay ahayd inkaarta dhaawac kasoo gaaray canqowga ee misna ku qasbay inuu ka fariisto kubadda cagta, Kadib markii uu warku faafay, marxuum Diego Maradona ayaa faallo ka bixiyay:
“Lama rumeysan karo, waxaan rabaa inaan ooyo, Marco waa weeraryahankii ugu waxtarka badnaa ee aan abid arko.”
Maalin kii xigay subaxeedii: La Gazzetta dello Sport ayaa qortay ciwaan sidan u dhigan:
” Dove ne troveremo un altro come lui? “
“Xageen ka heli doonnaa mid isaga la mid ah?”
Marco ayaa San Siro ku macsalaameeyay daqiiqadihii ugu murugada badnaa taariikhda garoonkan.
Weligaa ma aragtay macalimuu Fabio Capello oo ilmada ka qubanayso?
Wuxuu maalintaas u ilmeeyay weeraryahankii ugu weynaa ee uu waayihiisa oo dhan soo tababaro, waa sida uu yiri…
Wuxuu ku fariistay da’da 28 jir isagoo haysta 3 Kubadood oo Dahab ah, hadda waa 3 Ballon d’Or.
Mar kasta oo aan akhriyo keydkii laga qoray Van Basten, waxaan had iyo jeer jecelahay inaan xasuusto weedha lama ilaawaanka ah ee laga diiwaan galiyay faaliyaha (Carmelo Bene) ka dib sagootintii weeraryahanka Dutch:
“Sono ancora rattristato dal suo pensionamento anticipato e rimarrà per sempre.”
“Weli waxaan dareemayaa murugo ku saabsan hawlgabnimadiisii waqtiga ​​hore ah illaa hadda, waxayna ahaan doontaa weligeed.”
Marcel van Basten waxa uu lahaa sooyaal Sports oo aan laga dhargeyn, balse nasiib daro dhaawac aya la haray.
HBD: Marco Van Basten, 31 October 1964 ayu ku dhashay. Utrecht, Nederlands.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga