Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa sii kululaanaya, iyadoo kooxaha ugu waa weyn Yurub ay durba bilaabeen qorsheyaashooda xilli ciyaareedka soo socda. Liverpool iyo Manchester United ayaa indhaha ku haya daafac cusub, halka Fulham ay dadaal ugu jirto inay sii haysato Calvin Bassey.
Dhanka kale, James Rodríguez ayaa qarka u saaran inuu dib ugu laabto kubadda cagta Talyaaniga, waxaana sidoo kale socda heshiisyo iyo wada-hadallo kale oo xiiso leh
Liverpool & Manchester United oo isha ku haya Malick Thiaw
Kooxaha waaweyn ee Liverpool iyo Manchester United ayaa si dhow ula socda daafaca xulka Jarmalka Malick Thiaw. Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in Newcastle United aysan wax qorshe ah u lahayn inay iibiso daafacan 25 jirka ah xilligan.
Chemsdine Talbi oo ku sii jeeda Sacuudiga
Garabka kooxda Sunderland, Chemsdine Talbi (21 jir), ayaa la sheegay inuu ku dhow yahay inuu heshiis la gaaro kooxda Al-Ittihad ee horyaalka Sacuudiga, iyadoo heshiiska lagu wado inuu dhawaan rasmi noqdo.
Fulham oo doonaysa inay sii haysato Calvin Bassey
Kooxda Fulham ayaa la filayaa inay wada-hadallo heshiis cusub la bilowdo daafaceeda Calvin Bassey (26 jir), kadib markii uu soo jiitay xiisaha kooxda Inter Milan. Fulham ayaa dooneysa inay mustaqbalka fog ku sii xajisato xiddigeeda.
Rayan oo leh qiimo lagu burburin karo oo gaaraya £130 milyan
Garabka kooxda Bournemouth, Rayan (20 jir), ayaa qandaraaskiisa ku jira qodob oggolaanaya in lagu iibsado £130 milyan, kaas oo dhaqan geli doona suuqa kala iibsiga xagaaga 2027.
Joe Willock oo loo diyaarinayo heshiis cusub
Kooxda Newcastle United ayaa qorsheynaysa inay heshiis cusub u bandhigto khadka dhexe Joe Willock (27 jir), haddii uu sii wado qaab ciyaareedkiisa wanaagsan ee uu ku hoos leeyahay tababare Matthias Jaissle.
James Rodríguez oo ku dhow Serie B
Xiddigii hore ee Real Madrid, James Rodríguez (35 jir), ayaa wada-hadallo kula jira kooxda Avellino ee ka ciyaarta Serie B. Kooxdan waxaa maamula halyeeygii hore ee Talyaaniga Alessandro Nesta.
Chelsea oo qorsheynaysa Alex Scott
Kooxda Chelsea ayaa diyaar u ah inay bisha Janaayo dalab u gudbiso khadka dhexe ee Bournemouth, Alex Scott (23 jir), iyadoo maamulka Blues ay u arkaan mid ka mid ah bartilmaameedyada ugu muhiimsan ee suuqa kala iibsiga.
Be the first to comment