Iyadoo uu dhowaan bilaabanayo Koobka Adduunka ee lagu qabanayo United States, Canada iyo Mexico, guddiga dejinta sharciyada kubadda cagta ee IFAB ayaa ansixiyay isbeddello cusub oo lagu yareynayo waqtiga la lumiyo, lagu hagaajinayo garsoorka, laguna dedejinayo ciyaarta.
Madaxa garsoorayaasha FIFA, Pierluigi Collina, ayaa xaqiijiyay in sharciyo cusub laga dhaqangelin doono tartanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
In la xaddido waqtiga ay goolhayayaashu si ula kac ah kubadda u haystaan si ay waqtiga u lumiyaan.
In awood dheeraad ah la siiyo nidaamka VAR si uu uga caawiyo garsoorayaasha go’aamada muhiimka ah.
In ciyaarta loo dedejiyo oo la yareeyo hakadyada aan loo baahnayn.
Ujeeddada ugu weyn ee isbeddelladan ayaa ah in ciyaartu noqoto mid degdeg badan, caddaalad badan, islamarkaana ay taageerayaashu daawadaan kubad socodkeedu badan yahay
Sharciyadan cusub waxaa loo sameeyay in lagu yareeyo waqtiga la lumiyo, lagu joojiyo khiyaamooyinka ciyaarta lagu daahiyo, isla markaana lagu hagaajiyo tayada go’aamada garsoorka ee 2026 FIFA World Cup.
Sidoo kale, FIFA waxay rajaynaysaa in tallaabooyinkan ay yareeyaan waqtiga dheeriga ah (stoppage time), kaas oo dood badan dhaliyay intii lagu jiray 2022 FIFA World Cup.
Koobka Adduunka 2026 wuxuu noqon doonaa kii ugu horreeyay ee ay ka qayb galaan 48 xul, taasoo ka dhigaysa tartankii ugu weynaa taariikhda FIFA.
Sharciyada cusub ee la adeegsan doono
1. Tirinta 5-ilbiriqsi ee tuurista kubadda (garab-tuurka)
Garsooruhu wuxuu bilaabi karaa tirin muuqata oo 5 ilbiriqsi ah haddii ciyaaryahan uu dib u dhigo tuurista kubadda.
Haddii 5-ta ilbiriqsi dhammaadaan iyadoo aan kubadda la tuurin, kubadda waxaa la siin doonaa kooxda kale.
2. Tirinta 5-ilbiriqsi ee laadka Gohayaha
Haddii koox si ula kac ah waqtiga ugu lumiso goal kick-ga, waxaa lagu ciqaabi karaa in kooxda kale la siiyo koorno.
Garsooruhu sidoo kale wuxuu adeegsan doonaa tirin muuqata oo 5 ilbiriqsi ah.
3. Beddelka ciyaartoyda oo waqti lagu xaddiday
Ciyaaryahanka la beddelayo waa inuu garoonka kaga baxaa ugu badnaan 10 ilbiriqsi gudahood.
Waa inuu isticmaalaa meesha ugu dhow ee uu ka bixi karo garoonka.
Sharciyadan cusub waxay si gaar ah u saameyn doonaan kooxaha caanka ku ah waqtiga luminta marka ay hoggaanka hayaan ciyaarta.
Be the first to comment