WARBIXIN: Sababo Ay Liverpool Ugu Kalsoonaan Karto In Ay Garaacdo Chelsea Finala-ka Carabao Cup-ka

Gelinka dambe ee Axadda, Liverpool ayaa laga yaabaa inay dhammaystirto tallaabadii ugu horreysay ku guulaysiga 4 koob xilli ciyaareedkan marka ay la ciyaari doonaan Chelsea final-ka Carabao cup-ka.

Isaga oo hogaaminaya kulankii ugu dambeeyay ee kulanka, Klopp ayaa doonaya in uu ku guulaysto koobka kuna macasalaameeyo Liverpool.

Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ugu cad-cad ku guulaysiga koobka marka la eego in ay ku jiraan qaab ciyaareed cajiib ah.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa sababaha ay Liverpool ugu kalsoonaan karto in ay garaacdo chelsea.

1.Qaab ciyaareedkooda Tartanka Carabao Cup-ka.

Kooxda Liverpool ayaa ah kooxda ugu guulaysiga badan koobka Carabao cup-ka taariikhda tartanka marka la eego in ay horay ugu guulaysteen 9 jeer oo hore.

Sanadihii ugu dambeeyay Man City ayaa tartanka si joogto ah ugu guulaysanaysay koobka laakiin Reds ayaa wali ah kooxda ugu guulaysiga badan taariikhda tartanka.

2.Rikoodhka Liverpool Ee Kulanka Chelsea:

Liverpool iyo Chelsea ayaa Axada ku tartami doona Wembley maalmo ka hor markii ay 5 gool kala dhaliyeen dhawr todobaad ka hor markaas oo ay Liverpool 4/1 kaga badisay chelsea kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kulankaas ayaa sii dheereeyay rikoodhka Liverpool e chelsea iyada oo kooxda Reds aan guuldaro kala kulmin Chelsea 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee tartanka.

3.Xiddigaha Kaydka Oo Tayadooda Muujinaya:

Xiddigaha Darwin Nunezd & Mohamed Salah ayaan wali la xaqiijin in ay seegayaan kulanka laakiin waxa seegaya kulanka xiddigo badan oo muhiim ahn.

Nasiib wanaag Kooxda Liverpool waxa caawiyay in ay xiddigaha kaydka sida Gakpo iyo Elliote ay kor u qaadeen qaab ciyaareedkooda isla markaas muujiyeen awoodooda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga