Dimitar Berbatov Oo Saadaaliyay Kulanka Arsenal & Newcastle.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Dimitar Berbatov ayaa saadaaliyay kulanka adag ee dhexmari doona kooxaha Arsenal iyo Newcastle United.

Kulanka ayaa noqon doona mid muhiim u ah kooxda Arsenal kuwaas oo u baahan in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib guuldaradii champions League.

Arsenal ayaa sidoo kale u baahan in ay badiso si ay cadaadiska ugu badiso kooxda Liverpool kuwaas oo badisay kulankoodii.

Dimitar Berbatov ayaa aaminsan in ay Arsenal badin doonto kulanka caawa ee ka dhici doona Emirates.

“Waxa uu noqon doonaa kulan fiican, waa kulan u weyn Arsenal oo ku jirta qaab ciyaareed fiican kulamada premier League”ayuu yidhi.

“Newcastle waxa ay doonaysaa in ay ku soo laabato wadada guulaha waxana ay doonaysaa in ay garaacdo Arsenal”.

“Aniga ahaan waxa aan saadaalinayaa in ay Arsenal ku badiso 2/1″ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga