Liverpool Mise Bayern Munich? Alonso Oo Loo Sheegay Kooxda U Fiican In Uu Ku Biiro Hadii Uu Ka Tago Leverkusen

Tababaraha Xulka Germany Julian Nagelsmann ayaa durba digniin u diray Xabi Alonso isaga oo uga digay in uu Bayern Munich ka doorto Liverpool.

Alonso ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah ku hogaaminaya kooxda Bayer Leverkusen iyaga oo 11 dhibcood ka horeeya kooxda Bayern Munich tartanka Bundesliga.

Shaqadiisa cajiibka ah ayaa keentay in Alonso lala xidhiidhiyo in uu Jurgen Klopp ka badalo shaqada Liverpool kadib markii uu Klopp shaaciyay in uu ka tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka.

Dhanka kale, Bayern ayaa sidoo kale raadineysa tababare cusub iyadoo Thomas Tuchel uu qarka u saaran yahay inuu ka tago kooxda Bavarian dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, Nagelsmann, oo ay Bayern ceyrisay bishii March 2023, ayaa durba digniin adag u diray Alonso isaga oo uga digay in aanu dooran Bayern Munich.

Nagelsmann oo la hadlaya wargayska  ayaa yidhi: “Waxa Bayern ii saxeexday shardi ah in aan wax ka badali doono”.

“Waxa jira kooxo wakhti ku siinaya, Klopp waxa uu joogay Liverpool 5 sano ka hor inta uuna koobab ku hogaamin, Guardiola waxa uu City kula guulaystay champions league kadib 7 sano, Laakiin Bayern Munich wakhti ma siiyaan tababarayaasha”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga