WARBIXIN: Moyes, Beckham, Hazard, Aubameyang & Xiddigo Laga Yaabo In Aanad Garayn In Ay Iska Soo Garab Ciyaareen.

Inta badan waxa jira waxyaabo badan oo laga yaabo in aanad ka ogayn kubada cagta.

Hadaba maanta waxa aan idiin soo bandhigi doonaa qaybta 1-aaad ee 10 xiddig oo laga yaabo in aanad ogayn in ay iska soo garab ciyaareen ama saaxiibo soo ahaayeen.

1.Jan Oblak Iyo Ederson:

Xilli ciyaareedkii 2012/2013 Kooxda Raio Ave ayaa haysatay labada Goolhaye ee haatan ka mid ah Goolhayayaasha ugu fiican kubada cagta adduunka.

Goolhaye Oblak ayaa ahaa Goolhayaha 1-aad waxana uu ku bilowday 31 kulan oo kooxdaas ah halka uu Ederson kaliya ku bilowday 8 kulan.

Oblak ayaa sanadkii 2014 ku biiray Atletico Madrid halka uu Ederson ku biiray Benfica isla sanadkaasn.

2.Maouricio Pochetino Iyo Ronaldinho:

Pochettino iyo Ronaldinho ayaa isaga soo garab ciyaaraay kooxda PSG markii ay labada ciyaartoy ahaayeen ciyaartoyo ciyaara kubada cagta.

Pochettino ayaa Kooxda PSG u soo ciyaaray intii u dhexaysay 2001 ilaa 2003 isaga oo ciyaaray 95 kulan waxana uu wakhtigaas ka garab ciyaara Ronaldinho arinta xiisaha leh ayaa ah in Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta uu sidoo kale wakhtigaas u ciyaaray kooxda PSG.

3.Eden Hazard, Patrick Kluivert Iyo Pierre-Emerick Aubameyang:

Ma ogtahay in xilli ciyaareedkii 2007/2008 uu Eden Hazard ka garab ciyaara Halyeeyga kubada cagta ee Patrick Kluivert laakiin Hazard ayaan si joogto ah u ciyaari jirin.

kadib xilli ciyaareedkii 2009/2010 xiddiga Hazard ayaa ka garab ciyaaray Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo amaah uga maqnaa kooxda Ac Milan.

4.Ronaldo Iyo Eidur Gudjundsen:

Ronald ayaa awoodiisa ciyaareed ku soo bandhigay kooxda PSV Isaga oo dhaliyay 54 gool 57 kulan xilli ciyaareed oo uu ciyaaray, Gudjundsen oo wakhti dambe ku biiray Barcelona ayaa wakhti kooban qolka labiska la wadaagay Ronaldo xilli ciyaareedkii 1995/196.

5.David Beckham iyo David Moyes:

David Moyes ayaa si aad ah ugu xidhan Preston isaga oo 6 sano ku qaatay kooxda isaga oo xitaa noqday ciyaartoy/Tababare intii uu joogay kooxdaas isaga oo maamulayay Preston 1998 ilaa 2002.

Xilli ciyaaredkii 1994/1995 David Beckham ayaa amaah uga tagay Man United isaga oo ku biiray Preston waxana uu dhaliyay 2 gool 5 kulan oo uu ciyaaray.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga