WARBIXIN: Man United Oo Hogaaminaysa 10-ka Kooxood Ee Lacagta Ugu Badan Galisay Suuqa 10-kii Sano Ee La Soo Dhaafay.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay bixisay lacagta ugu badan suuqa kala iibsiga 10-ki sano ee ugu dambeeyay laakiin kaliya waxa ay ku guulaystay 5 koob.

Kooxda ayaa 10-kii sano ee ugu dambeeyay lacag badan galisay suuqa kala iibsiga iyaga oo kula soo wareegay xiddigo si ay u soo celiyaan wakhtigii guulaha ee ka dambeeyay Sir Alex Ferguson.

Laakiin kaliya waxa ay ku guulaysteen  laba koob oo FA Cup ah, laba Carabao Cups iyo waliba koobka Europa League inta lagu guda jiro wakhtigan.

Suuqa kala iibsiga xagaagii la soo dhaafay ayaa si fiican u muujinaya habka United. Waxa ay 200 milyan ginni ku iibsadeen Leny Yoro, Joshua Zirkzee, Matthijs de Ligt, Noussair Masraoui iyo Manuel Ugarte, laakiin hadda waxay ku jiraan kaalinta 13aad ee Premier League, ka dib markii Erik ten Hag la ceyriyay ka dib markii uu ku bilowday rikoorkii ugu xumaa abid ee tartanka.

CIES Football Observatory ayaa soo saartay liiska kooxaha lacagta ugu badan suuqa kala iibsiga sanadihii ugu dambeeyay.

Kooxda ayaa suuqa galisay lacag dhan 1.3 bilyan euro tan ilaa 2015 waana lacag ka badan koox kasta sida laga soo xigtay The Mirror.

Kooxda ayaa lacagtaas ka soo bixisay xiddigaha Harry Maguire (£80m),Casemiro (£60m), Mason Mount (£55m), Antony (£86m) iyo Rasmus Hojlund (£72m).

Kooxda chelsea ayaa si lama filaan ah uga badan chelsea oo suuqa galisay lacag dhan 2.78 bilyan euro laakiin waxa ay United kaga fiicanyihiin iibintooda oo saraysa.

Sidaas darteed marka la kala jaro lacagahaas kooxda chelsea ayaa suuqa galisay 1.2 bilyan oo ay kula soo saxiixdeen xiddigaha Enzo Fernandez (£106m) iyo Moises Caicedo (£115m).

Si kasta ha ahaatee sanadahaas kooxda chelsea ayaa ku guulaystay 2 horyaal, champions League, FA Cup, League Cup, Europa League, Super Cup iyo Club World Cup.

Paris Saint-Germain ayaa kaalinta 3-aad ku jirta iyada oo soo iibsatay lacag dhan 991 milyan oo euro oo u dhiganta 825 milyan oo gini, waxaana ku xoojiyay soo iibsashadii Lionel Messi, Neymar iyo Sergio Ramos iyo xiddigoodii Kylian Mbappe oo si bilaash ah ugu biiray Real Madrid xagaagii hore.

Kooxda Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 4-aad iyada oo ka horaysa kooxda ay xafiiltamaan ee Tottenham iyaga oo suuqa galiyay lacag dhan 795 milyan oo euro oo u dhiganta 661 milyan oo gini. Si kastaba ha ahaatee, dhammaan maalgalintoodii Arsene Wenger iyo hadda Mikel Arteta waxay kaliya ku guulaysteen afar koob oo FA ah.

Kooxda Arsenal ayaa la soo saxiixatay xiddigo ay ka mid yihiin Declan Rice (£105m) & Kai Havertz (£65m).

Tani waxay ka dhigeysaa inay ka sareeyaan kooxda difaacaneysa Premier League ee Manchester City, AC Milan, Newcastle, Barcelona iyo Al-Hilal, kuwaas oo ku jira 10-ka boos ee ugu sareeya.

Liverpool ayaa ku jirta kaalinta 17-aad iyadoo qarash gareysay kaliya 366 milyan oo Yuuro (£304m) 10-kii sano ee la soo dhaafay waxana ay ka hooseeyaan koxoaha Bournemouth (£318m), Aston Villa (£433m) iyo West Ham (£456m).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga