WARBIXIN: Arsenal, Man City Mise Liverpool? Waa Sidee Natiijada Kooxaha Ku Tartamaya Horyaalka Kadib Kulamada Yurub.

Kooxaha ku tartamaya horyaalka premier League ee Arsenal, Man City iyo Liverpool ayaa bilaaban doona kulamada todobaadkan.

3-da kooxood ayaa ku tartamaysa horyaalka premier League iyaga oo kaliya hal dhibic kala sareeya.

Kooxaha 3-da ah ayaa kulamada Premier League soo galaya iyaga oo soo ciyaaray tartamada yurub xilli ciyaareedkan.

Arsenal iyo Man City ayaa soo ciyaaray champions League halka ay Liverpool soo ciyaartay tartanka Europa League.

Ka hor kulamada premier League waxa is bar-bar dhig lagu sameeyay natiijooyinka ay helaan kadib marka ay ciyaaraan tartamada yurub.

Arsenal ayaa ciyaartay 8 kulan premier League kadib kulamada yurub waxa ay badisay 6 kulan waxana ay bar-baro gashay 2 kulan halka aan wax kulan ah laga badin.

Dhinaca kale Liverpool ayaa ciyaartay 8 kulan kadib kulamada yurub waxa ay badisay 5 halka ay bar-baro gashay 3 kulan isla markaas aan wax kulan ah laga badin.

Man City ayaa ciyaartay 9 kulan kadib kulamada yurub waxa ay badisay 3 halka laga badiyay hal kulan isla markaas ay bar-bar gashay 5 kulan oo dhan.

Premier League results following European matches

Arsenal: Played 8, won 6, drawn 2, lost 0, 20 points

Liverpool: Played 8, won 5, drawn 3, lost 0, 18 points

Man City: Played 9, won 3, drawn 5, lost 1, 14 points

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga