Shax Laga Sameeyay Xiddigaha Dhaawaca Uga Maqan Kooxda Chelsea.

Tababaraha kooxda CHELSEA Mauricio Pochettino ayaa la kulmay dhirbaaxo kale oo dhaawac ah iyada oo uu shaki ku jiro taam ahaanshaha Enzo Fernandez iyo Axel Disasi kulanka premier League ee ay la ciyaari doonaan Everton.

Labada ciyaaryahan ayaa hadda maraya baadhitaan caafimaad sida ay xaqiijisay kooxdu.

Pochettino ayaa diiday inuu si faahfaahsan u sheego markii uu ka hadlayay labada dhaawac intii lagu jiray shirkiisa jaraa’id ee ka hor Everton Jimcihii.

Si kastaba ha ahaatee waxa uu sheegay in aanu dhaawac weyn ahayn.

Tababaraha Chelsea ayaa yiri: “Waan arki doonaa, waxaa lagu hayaa qiimeyn, waxay ka cabanayaan dhaawacyo kala duwan”.

Dhaawaca labada xiddig ayaa imanaya xilli ay kooxdu la dhibaatoonayso dhaawacyo badan xilli ciyaareedkan.

Wargayska The Sun ayaa shax ka sameeyay xiddigaha ka dhaawacmay chelsea isla markaas haatan dhaawac uga maqan marka lagu daro labada xiddig.

Chelsea's unavailable XI

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga