WARBIXIN: 29 Daafac Oo Ka Fiican Virgil Van Dijk.

Virgil van Dijk ayaa ahaa geesigii Liverpool ee guushii Carabao Cup ee ay Axadii ka gaadheen Chelsea.

Daafaca dhexe ayaan kaliya dhalin goolkii guusha ee kooxdiisa laakiin waxa uu dhaliyay gool laga diiday kooxdiisa qaybtii dambe ee ciyaarta.

Qaab ciyaareedkiisa Van Dijk ayaa horseeday in baraha bulshada lagu sheego inuu yahay kan ugu fiican adduunka haatan, iyadoo taageerayaasha qaar ay xitaa la dhaceen iyagoo soo jeedinaya inuu yahay kan ugu fiican abid.

Laakiin maxay xogtu sheegaysaa? Waxaa la yaab leh in 32-jirka Liverpool uusan ahayn midka ugu fiican.

Shabakada FootballTransfers aaa soo saartay Liiska daafacyada ka fiican Van Dijk wakhti xaadirkan.

Daafacyada ugu fiican adduunka

Waxaa la yaab leh in uu kaalinta koowaad ku soo baxay daafaca Inter Alessandro Bastoni,iyada oo xiddiga 24 jirka ah kaalinta 1-aad ku garaacay xiddiga Manchester City John Stones.

Boosaska ugu sareeya waxa ka buuxa xiddigaha premier League iyada oo xiddigaha Ruben Dias, Trent Alexander-Arnold, William Saliba, Ben White iyo Oleksandr Zinchenko ku jiraan 10-ka daafaca ee ugu fiican adduunka.

Halkan Kaga Bogo 29-ka daafac ee ka fiican Van Dijk:

Rank Name Club
1 Alessandro Bastoni Inter
2 John Stones Man City
3 Ruben Dias Man City
4 Trent Alexander-Arnold Liverpool
5 William Saliba Arsenal
6 Ben White Arsenal
7 Oleksandr Zinchenko Arsenal
8 Antonio Rudiger Real Madrid
9 Kyle Walker Man City
10 Gabriel Arsenal
11 Theo Hernandez Milan
12 Joachim Andersen Crystal Palace
13 Bremer Juventus
14 Fiyako Tomori Milan
15 Pau Torres Aston Villa
16 Jose Maria Gimenez Atletico Madrid
17 Alejandro Grimaldo Bayer Leverkusen
18 Alphonso Davies Bayern
19 Jules Kounde Barcelona
20 Dan Burn Newcastle
21 Ezri Konsa Aston Villa
22 Andreas Christensen Barcelona
23 Tyrick Mitchell Crystal Palace
24 Jeremie Frimpong Bayer Leverkusen
25 Ferland Mendy Real Madrid
26 Tyrone Mings Aston Villa
27 Benjamin Pavard Inter
28 Eder Militao Real Madrid
29 Denzel Dumfries Inter
30 Virgil van Dijk Liverpool

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga