Gilberto Silva Oo Magacaabay Xiddiga Ugu Muhiimsan Arsenal, Mana Ahan Bukayo Saka.

Gilberto Silva ayaa Declan Rice u magacaabay xiddiga ugu muhiimsan Arsenal xilli ciyaareedkan. Inkastoo uu aaminsan yahay in Bukayo Saka uu yahay xiddig, kabtankii hore wuxuu sheegay in saameynta Rice ay ahayd mid degdeg ah.

“Lamaanaha daafaca dhexe waa mid xoogan, Saka waa xiddig, inkastoo uu u muuqdaa mid  daalay,” ayuu yidhi.

“Isaga iyo Martinelli aad ayey muhiim ugu yihiin weerarka, laakiin waxa aan aaminsanahay in Rice yahay xiddiga ugu muhiimsan sababta oo ah si deg-deg ah ayuu ula qsbaday kooxda, waa maamule fiican waxa aan sugayaa inta ay iska garab ciyaarayaan isaga iyo Partey”.

“Waxaan u maleynayaa inay is buuxin karaan sida aniga iyo Vieira”.

Rice ayaa dhab ahaantii cadeeyay inuu yahay xiddiga ugu muhiimsan kooxda kadib markii uu kooxda ku soo biiray xagaagii hore.

Tayada xiddiga reer England ayaa Arsenal ka dhigtay kuwo ku tartama tartanka premier Legaue iyo champions League xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga