Man United Oo Badalka Ten Ka Heshay Premier League.

Kooxda INEOS ee Sir Jim Ratcliffe ayaa u aqoonsatay Tababaraha Brighton Roberto de Zerbi inuu yahay badalka suurtagalka ah ee Erik ten Hag.

Ten Hag ayaa dareemaya cadaadiska kadib markii ay kooxdiisu guuldaro 2/1 ah kala kulantay Fulham kulan ka dhacay Old Trafford.

Guuldarada ayaa la macno ah in ay Man United 8 dhibcood ka dambayso kooxda kaalinta 4-aad ku jirta ee Aston Villa.

Inkasta oo uu Ten Hag si fiican uga hadlay xidhiidhka uu la leeyahay maamulka cusub ee kooxda Ratcliffe, United ayaa lagu soo waramayaa in uu cadaadis ku saaran yahay in ay caydhiso Ten Hag.

Sida laga soo xigtay Evening Standard, Ratcliffe Ayaa lagu soo waramayaa in uuna ku qanacsanayn Ten Hag.

Sidaas darteed Kooxda INEOS ee Sir Jim Ratcliffe ayaa u aqoonsatay Tababaraha Brighton Roberto de Zerbi inuu yahay badalka suurtagalka ah ee Erik ten Hag.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga