Jose Mourinho Oo Magacaabay Laba Kooxood Oo Ku Guulaysan Kara Champions League Xilli Ciyaareedkan.

Jose Mourinho ayaa magacaabay kooxda uu jeclaan lahaa in ay ku guulaysato champions League xilli ciyaareedkan.

Tartanka champions League ayaa meel xiiso leh maraya iyada oo la ciyaaray qayb ka mid ah kulamada wareega 16-ka tartanka champions League.

Mourinho ayaa sheegay in uu filayo in midkood Man City ama Real Madrid ay ku guulaysan doonaan tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

“Champions League midkood Man City ama Real Madrid ku guulaysato tartanka champions League xilli ciyaareedkan”ayuu Jose yidhi.

“Hadii ay koox aan labadaas koox aan ahayn ku guulaysato champions League waan yaabi doonaa”ayuu sii raaciyay.

“Waxaan jeclaan lahaa in Real ay mar kale ku guuleysato, kooxda iyo Carlo[Ancelotti],” ayuu raaciyay.

Kooxaha Real Madrid iyo Man City ayaa hal lug la galay wareega xiga ee tartanka kadib markii ay badiyeen kulamadii ay ciyaareen lugta hore ee wareega 16-ka tartanka.



Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga