WAR CULUS:- Arteta oo ka falceliyay hadalkii laacibkii ka eed sheegtay …………

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa ka hadlay hadalkii uu dhawaan jeediyay Gabriel Jesus, kaasoo sheegay in maalmahiisii ugu dambeeyay ee Arsenal si lama filaan ah looga fogeeyay ciyaartoyda kooxda, loona sheegay inuu kaligiis tababarto.

Jesus oo xagaagan ku biiray Barcelona ayaa sheegay inuu si caadi ah ula tababaranayay Arsenal intii lagu jiray diyaar-garowga xilli ciyaareedka, balse uu si lama filaan ah uga baxay tababarka kooxda, iyadoo aan loo sheegin sababta, Hadalkaas ayaa la yaab ku noqday Arteta, kaasoo sheegay inuu si gaar ah ula hadlay Jesus ka hor inta uusan kooxda ka tagin.

Arteta oo arrintan ka hadlayay ayaa yiri: “Runtii aad ayaan ula yaabay, gaar ahaan maadaama aan wada yeelanay wada hadal gaar ah qolka labiska,  Si dhab ah uma xasuusto wax walba oo aan ka wada hadalnay, laakiin wax walba waxay u muuqdeen kuwo wanaagsan.”

Tababaraha Arsenal ayaa intaas ku daray in wada hadalkoodu uu inta badan ku saabsanaa mahadsanid iyo qaddarin, isagoo sheegay inuu fahmi karo in ciyaaryahan uu si kala duwan uga falcelin karo marka loo sheego war uusan fileyn.

Arteta ayaa sidoo kale si dadban u qirtay in mararka qaar tababaraha uu noqdo qofka qaata doorka “booliiska xun”, gaar ahaan marka la gaarayo go’aanno adag oo ciyaartoyda aysan jeclaysan, “Qof waa inuu ciyaaraa doorka booliiska xun. Haddii ay tahay inaan anigu sidaas sameeyo, dhib ma leh, si buuxda ayaan u fahmay,” ayuu yiri Arteta.

Gabriel Jesus ayaa Arsenal uga tagay xagaagan, isagoo ugu dambeyn u dhaqaaqay Barcelona, waxaana hadda soo baxaya kala duwanaanshaha aragtida labada dhinac ee ku saabsan sidii uu ku dhammaaday waayihiisii kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga