Weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus ayaa shaaca ka qaaday faahfaahin ku saabsan maalmahiisii ugu dambeeyay ee Arsenal, isagoo sheegay in kooxda ay ku qasabtay inuu si gooni ah u tababarto ka hor inta uusan u dhaqaaqin Barcelona, Jesus ayaa sheegay in markii hore uu si caadi ah ula tababaranayay kooxdiisa intii lagu jiray diyaar-garowga xilli ciyaareedka, balse si lama filaan ah loo go’aamiyay in laga fogeeyo ciyaartoyda kale.
“Qofna waxba iima sheegin,” ayuu yiri Jesus, isagoo tilmaamay inuu ahaa go’aan si lama filaan ah loo qaatay, Inkastoo uu ogaa in mustaqbalkiisa Arsenal uu mugdi ku jiray, Jesus wuxuu sheegay inuu weli si adag u shaqeynayay, isagoo isku diyaarinayay fursad uu mar kale ugu ciyaaro heerka ugu sarreeya.
Ugu dambeyn, maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga ayuu Gabriel Jesus ku biiray Barcelona, iyadoo kooxda reer Spain ay Arsenal kaga soo iibsatay lacag dhan £8.6 milyan, Jesus ayaa sheegay in heshiiska Barcelona uu si degdeg ah ku dhacay, kaddib markii wakiilkiisa, Deco iyo madaxda Barcelona ay si wanaagsan uga shaqeeyeen heshiiska.
“Hal maalin gudaheed ayay wax walba xaqiiqo noqdeen. Markii aan helay fursadda inaan Barcelona imaado, isla markiiba waan aqbalay,” ayuu yiri, Gabriel Jesus ayaa Arsenal ku biiray sanadkii 2022, isagoo kasoo tagay Manchester City, Intii uu joogay Emirates Stadium, wuxuu kooxda u saftay 123 kulan, isagoo dhaliyay 32 gool islamarkaana sameeyay 22 caawin.
Inkasta oo uu Arsenal ka baxay isagoo muujiyay sida uu uga xumaaday qaabka ay wax u dhaceen, tababare Mikel Arteta ayaa horey u amaanay saameyntii uu Jesus ku lahaa kooxda, isagoo sheegay inuu Arsenal keenay tamar, kalsooni iyo firfircooni, Jesus ayaa durba kulankiisii ugu horreeyay u saftay Barcelona, isagoo ciyaaray 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay kulankii ay kooxda Catalan-ka 5-0 kaga adkaatay Valencia.
Be the first to comment