SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Horyaalka Premier League Kaddib Isbeddelladii Dhacay Usbuucan Iyo Man City Oo Looga Dhaartay Horyaalka

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii ay usbuucan dhaceen isbeddello sababay in hoggaanka ay la wareegto Liverpool, sidoo kalena Machester City u dhacdo booska afraad, halka Arsenal iyo Aston Villa ay labaad iyo saddexaad ku kala jiraan.

Saadaasha cusub ee uu sameeyey Supercomputer waxa ay ka farxinaysaa Arsenal, sababtoo ah waxay ugu bushaaraysay in ay ku guuleysanyaan horyaalka xilli-ciyaareedkan, halka Manchester City uu Supercomputer u sheegay in ay iska illoobaan riyadooda ah inay afar jeer oo isku xiga ku guuleystaan horyaalka Premier League.

Arsenal ayay ugu dambaysay horyaalka Premier League sannadkii 2004, waxaana haddii ay saadaashani rumowdo ay ka dhigan tahay in 20 sannadood kaddib ay kor u qaadi doonaan horyaalka ugu xiisaha badan adduunyada waqtigan.

Isaga oo isticmaalaya qaaciidada xisaabeed ee khamaarka lagu jaan-gooyo ee BETSiE oo 100,000 jeer la wareejiyo natiijooyinka Bettingexpert ayaa waxa ay Supercomputer uu sheegay in Arsenal ay 80 dhibcood ka urursan doonto kulamadeeda xilli-ciyaareedkan, waxaana ay hal dhibic oo kaliya ka sarrayn doontaa Man City oo kaalinta labaad ku dhamaysan doonta.

Afarta sare ayaa waxa dhamaystiri doona Liverpool oo saddexaad geli doonta iyadoo helaysa 77 dhibcood iyo Aston Villa oo wacdaro ka dhigaysa horyaalka Premier League oo 71 dhibcood haysan doonta.

Manchester United ayaa geli doonta booska kaalinta 9aad ee horyaalka Premier League, waana meeshii ugu hoosaysay ee tan iyo sannadkii 1988kii ay Red Devils ka gasho horyaalka, waxaana ka sarrayn doonta Chelsea oo kaalinta 8aad ku dhamaysan doonta.

Saddexda kooxood ee Sheffield United, Luton Town iyo Burnley ayaa heerka labaad u dhici doona, sida ay saadaashu sheegayso, hase yeeshee kooxda tobanka dhibcood laga jaray ee Everton ayaa noqon doonta mucjisada xilli-ciyaareedka oo kaalinta 14aad usoo dallici doonta.

Halkan kaga bogo saadaasha Supercomputer oo dhamaystiran

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga