Wan-Bissaka, David, Rabiot, Gyokeres & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Kooxda Chelsea ayaa wadahadalo la furtay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Lille ee Jonathan David (Athletic).

Man United Iyo Man City ayaa isku dayay wakhti dambe in ay saxiixa Michael Olise ka afduubato Bayern Munich laakiin xiddiga ayaa iska diiday si uu ugu ugu biro kooxda reer Germany (Mirror).

Tottenham ayaa Real Madrid u sheegtay in aanay ka iibin doonin xiddiga daafaca ka ciyaara ee Cristian Romero (Football Insider).

Juventus ayaa Man United u soo bandhigaysa saxiixa xiddiga Federico Chiesa si ay badalkiisa u helaan Mason Greenwoord (La Gazzetta dello Sport).

Xiddiga Bayern Munich ee Joshua Kimmich ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa waxana ay kooxdu diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga (Sky Sport Germany).

Arsenal ayaa aad ugu dhow inay heshiis la gaarto Sporting CP iyo xiddiga Sweden Viktor Gyokeres ka dib markii uu dhaliyay 43 gool 50 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkii hore (Leonino).

Kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ayaa xiriir la sameeyay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Juventus ee Adrien Rabiot iyada oo ay sidoo kale xiiso u qabaan kooxo kale oo premier League ah oo aan la magacaabin (Sportitalia).

Horumar ayaa laga gaaray wadahadaladii u dhaxeeyay Aaron Wan-Bissaka iyo Galatasaray, iyadoo kooxda Turkiga ay qorsheyneyso inay daafaca midig u soo bandhigto heshiis afar sano ah (beIN Sports).

Man Utd iyo Arsenal ayaa lagu wargeliyay inay qiimo dhimis lagu sameeyay heshiiska Lille Jonathan David kaas oo lagu heli karo 30 milyan oo euro (TalkSPORT).

Atletico Madrid ayaa dooneysa inay guri cusub u hesho Joao Felix, waxayna u badan tahay inay dalbato dalab ku dhow 60 milyan euro weeraryahanka Portugal, kaasoo doonaya inuu ku laabto Barcelona xilli ciyaareedka soo socda (Marca).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga