“Wada-hadallo Ayaanu Kula Jirnaa…” Erik ten Hag Oo Xaqiijiyey In Andre Onana Ay Ka Joojinayaan Xulka Cameroon

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa xaqiijiyey, in ay kooxdiisu wada-hadallo kula jirto xidhiidhka kubadda cagta waddanka Cameroon oo ay doonayso inay ka joojiyaan goolhaye Andre Onana, in uu tago xulka qaranka dalkaas ee ka qayb-gelaya tartanka Qaramada Afrika.

Andre Onana oo qaladaad waaweyn ka sameeyey ciyaartii Manchester United ay barbarraha 3-3 la gashay Galatasaray ee sababay in ay halis gasho fursadda Red Devils ugu soo baxayso wareegga 16ka Champions League, ayaa waxa uu bisha soo socota ka mid noqon doonaa xulka qaranka dalkiisa Cameroon ee ka qayb-gelaya Koobka Qaramada Afrika ee ka dhacaya Ivory Coast, kaas oo furmi doona January 13 illaa February 11, 2024 socon doona.

Andre Onana ayaa ay FIFA ganaaxi doontaa haddii uu diido inuu u tago xulka qarankiisa, laakiin Manchester United ayaa isku dayaysa inay sulux ku dhamayso arrinta, waxaanay ka dalbatay xidhiidhka kubadda cagta Cameroon in liiska xulka qaranka laga reebo Onana.

Tababare Erik ten Hag oo saxaafadda la hadlay ayaa xaqiijiyey arrintan, waxaanu yidhi: “Haddii ay u yeedhaan, waxa uu ku qasban yahay inuu tago, laakiin waxa aanu kula jirnaa wada-hadal xidhiidhka Cameroon.”

Onana oo hore ugu dhawaaqay inuu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah markii ay isku dhaceen tababare Song intii uu socday Koobkii Adduunka ee Qatar oo laga saaray xulka, ayaa dib ugu soo laabtay markii ay heshiis wada gaadheen xidhiidhka dalkiisa laba bilood ka hor.

Manchester United ayaa haddii uu ka tago Andre Onana waxa lix ciyaarood oo uu maqnaanayo goolhaye usii ahaan doona Altay Bayindir oo xagaagii ay kasoo iibsadeen Turkiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga