DEG-DEG: Diyaaraddii Ciyaartoyda Manchester United Ku Tagayeen Newcastle Oo La Kansalay & Silica Ay Marayaan Saacadaha Ka Hadhsan Waqtiga Ciyaarta

Dhammaan duullimaadyadii diyaarahadaha ee tegayay Newcastle United ayaa la kansalay oo la joojiyey maanta cimillada oo aad u xun awgeed, waxaana arrintani ay saamaysay ciyaartoyda Manchester United oo caawa la ballansan kooxda kubadda cagta Newcastle United.

Manchester United ayaa uu qorshuhu ahaa in saaka ay diyaaraddooda khaaska ah ku tagaan magaalada Newcastle, laakiin waxa ay ka mid noqdeen diyaaradaha laga joojiyey duullimaadka.

Abbaaro 11pm waqtiga UK oo ay kici lahayd diyaaradda ciyaartoyda Manchester United ayaa lagu wargeliyey in cimillada xun ee ka jirta UK aanay macquul ahayn in uu safarkoodu suurtoobo, laakiin waxa lagu qasbay ciyaartoyda kooxda Manchester United in ay raacaan baabuur bas ah oo socon doona 106 mile oo ay isku jiraan magaalooyinka Manchester iyo Newcastle.

Waddooyinka uu basku marayo ayaa sidoo kale uu daadsan yahay baraf, lamana hubo sida ay suurtogal ku noqonayso inay gaadhaan waqti habboon magaalada Manchester, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in illaa saddex saacadood uu baabuurku socon doono haddii aanay wax dhibaato ah ku imanin waddada oo aanay barafka iyo cimillada xun hakinin baska ay saaran yihiin ciyaartoydu.

Xafiiska saadaasha hawada Ingiriiska ee loo yaqaano Met Office, ayaa saadaaliyey in gellinka dambe ee maanta iyo fiidka caawa ay cimillada Newcastle gaadhi doonto meel daran oo ay -1 noqon doonto, taas oo caqabad weyn ku noqon doonta ciyaartoyda saddexda saacadood baska sii saarnaanaya ee sii maraya dhulka uu barafku fadhiyo, haddana laga doonayo inay ciyaaraan 11pm saacadda Geeska Afrika.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga