“Waan U Lugaynayaa Sucuudiga, Xataa Diyaarad Uma Baahni Haddii Ay Ii Yeedhaan…” – Carlo Ancelotti Oo Ka Hadlay Waxa Uu Yeelayo Haddii Uu Dalab Ka Helo Sucuudiga

Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa sheegay, in uu u lugayn doono oo aanu xataa diyaarad iyo baabuur u qaadan doonin waddanka Sucuudiga, haddii uu ka helo dalab uu ku helayo shaqo lacag badan xambaarsan.

Carlo Ancelotti oo heshiiskiisa Real Madrid uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedakn socda, isla markaana lala xidhiidhinayo xulka qaranka Brazil oo la sheegay in uu heshiis la gaadhay, ayaa waxa uu sii wadaa inuu beeniyo wararka mustaqbalkiisa la xidhiidha.

Ruug-caddaaga Talyaaniga ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa kooxaha horyaalka waddanka Sucuudiga ee lacagta badan ku farraqaya ciyaartoyda, waxaana uu Ancelotti ku kaftamay in uu xataa u lugayn doono Sucuudiga haddii uu ka helo dalab 500 milyan oo Euro ah.

Ancelotti oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey waxa uu ka yeelayo haddii uu dalab uga yimaaddo Sucuudiga, ayaa yidhi: “Sucuudi Carabiya waxa aan ugu lugayn doonaa 500 milyan oo Euro! Xataa uma baahni in duullimaad diyaaradeed, lug ayaan ku tegi doonaa.”

Intaas kaddib ayuu Ancelotti si dhab ah usoo bandhigay qorshihiisa mustaqbalka, waxaanu yidhi: “Runtu waxay tahay in aan kaftamayo, qof walbaana waxa uu samaystaa dookhyadiisa. Adduunyadu way isbeddelaysaa, in badanna way isasii beddeli doontaa.

“Aniga ilama aanay soo hadal (Sucuudigu). Waxa aan leeyahay qorsheyaal kale iyo fikrado kale. Anigu waligay kama aanan fikirin lacag sababtoo ah waxa aan kusoo koray qoys aanay lacagtu u ahayn shayga ugu muhiimsan. Aniga waxa muhiim ii ah in aan helo deegaan wanaagsan, haddana halkan (Madrid) ayaa ii ah.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga