DEG-DEG: Manchester City Oo Xaqiijisay Bixitaanka Kalvin Phillips – Kooxdee Ayuu Tegayaa?

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa shaaciyey, in bisha January uu kooxda ka tegi doono xiddiga khadka dhexe ee reer England ee Kalvin Phillips, waxaanu laacibkan ka raalligeliyey in aanu siinin fursadihii uu ka doonayey markii uu kooxda u saxeexayay heshiis.

Pep Guardiola ayaa waxa uu qirtay in Kalvin Phillips aanu siinin fursaddii uu u qalmayay iyo waxyaabihii uu u ballan-qaaday, balse hadda ay ogolaanayaan in uu kooxda ka baxo si uu usoo helo fursado ciyaareed.

Laacibkan oo siddeed ciyaarood oo kaliya kasoo muuqday safka Manchester City xilli-ciyaareedkan, ayaa ay adkayd in xataa uu booskiisa helo iyadoo afar ciyaarood uu ganaax ku maqnaaday Rodri oo ahaa laacibka la filayay in uu ka garab ciyaaro amaba City ay usoo iibsatay inuu beddelkiisa noqdo.

Ciyaartii Aston Villa ee uu ka maqnaa Rodri ee ay guul-darradu kasoo gaadhay kooxdiisa, waxa uu Pep Guardiola khadka dhexe ka ciyaarsiiyey John Stones iyo Manuel Akanji, halka Rico Lewis iyo Julian Alvarez ay buuxiyeen khadka dhexe ee hore iyadoo kaydka ay ku jireen Mateo Kovacic iyo Matheus Nunes.

Guardiola oo ka hadlayay bixitaanka Kalvin Phillips ee bisha January ayaa yidhi: “Aad ayaan uga xumahay Kalvin. Kaliya waxa aan arkay shay, waxa aan eegaa kooxda, waxaana igu adkaatay in aan isaga woxoogaa yar eego… Waa intaas uun.”

Kalvin Phillips oo doonaya in uu u ciyaaro xulka qaranka England tartanka Euro 2024 ee sannadka dambe, ayaa waxa saxeexiisa ku tartamaya kooxo badan oo horyaallada Premier League iyo Serie Ah, sida kooxaha Juventus, Newcastle iyo kuwo kale oo qaab amaah ah ku doonaya.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga