DEG-DEG: Juventus Oo Dhamaystirtay Saxiixa Carlos Alcaraz

Juventus iyo Southampton ayaa soo gabagabeeyay heshiiska Carlos Alcaraz, iyada oo la xaqiijiyay inuu u wareegay Turin.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Argentina oo 21 jir ah ayaa Old Lady ugu biiray heshiis amaah lix bilood ah oo uu ku kacayo €3.74m (£3.2m) iyadoo ay ku lifaaqan tahay dookh iibsi, oo ku kacaya €49.14m (£42m).

Waxa uu caafimaadkiisa ku maray London gelinkii hore shalay waxana haatan si Rasmi ah loo xaqiijiyay saxiixiisa.

Alcaraz ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay tan ilaa markii uu ku biiray Southampton suuqii January ee sanadkii hore isaga oo dhaliyay 8 gool 5 kalena caawiye ka noqday.

Fabrizio Romano ayaa ku waramaya in Juventus iyo Southampton ay haatan dhamaystireen saxiixa Alcaraz, iyaga oo saxiixay waraaqihii loo baahnaa.

21-sano jirkaan ayaa horey qalinka ugu duugay qandaraaska uu kula jiro Bianconeri waxana ay kooxdu haatan shaacisay saxiixa xiddiga.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga