CHAMPIONS: Man United Oo Garaacday Man City Kuna Guulaystay FA Cup-ka Markii 13-aad Ee Taariikhdooda.

Kooxda Man United ayaa markii 13-aad ku guulaystay tartanka FA Cup-ka kadib markii ay garaacday Man City

Kulanka ayaa ahaa mid ay Man United Iyo Ten Hag khiyaameeyeen kooxda Man City kulan ay Red Devils ka yaabsatay dduunka.

Man United ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Man City ku qaadaysay weeraro aan kala joogsi lahayn.

City ayaa ahayd mid kaliya maamulaysay ciyaarta iyaga oo ku dhibaatoonayay in ay fursado sameeyaan.

Daqiiqadii 30-aad ayay Man United ka naxsatay Man City waxana ay ka dhaliyeen goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alejandro Garnacho kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Man United ku hogaaminayso.

Man United ayaa mar kale daqiiqadii 39-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Kobbie Mainoo kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Wixii intaas ka dambeeyay Man United ayaa daafac gashay iyada oo Man City raadinaysay goolal ay ciyaarta ugu soo laabato.

Qaybtii dambe ayay Man City sii waday dadaalka iyo raadinta goolal ay rajada dib ugu soo celiso.

Daqiiqadii 87-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Jeremy Doku kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United markii 13-aad ku guulaystay tartanka FA Cup-ka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga