Waa Maxay Sababta Bruno Fernandes Looga Ganaaxay Ciyaarta Liverpool?

Kabtanka Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa ka maqnaan doona ciayarta adag ee toddobaadka dambe ay kooxdiisu safarka ku tegi doonto Anfield, waxaana ay kooxdiisu waayi doontaa adeeggii ciyaareed, tamartii iyo dhiirigelintii laacibkan.

Bruno Fernandes ayaa kaadh huruud ah la siiyey ciyaartii guul-darrada culus loo xambaariyey Manchester United ee ay Bourenmouth ku garaacday 3-0, taas oo waliba ay nasiib ku lahaayeen in VAR ay caawisay oo dhamaadkii laga daayey gool afraad.

Manchester United oo lagu bahdilay garoonkeeda Old Trafford, ayaa Salaasada waxay qaabbili doontaa Bayern Munich oo ay isku haleeli doonaan ciyaarta ay ku xidhan tahay rajadooda Champions League, taas oo ay u baahan yihiin in ay garaacaan Munich, sidoo kalena ay barbarro galaan labada kooxood ee ay isku group-ka yihiin ee FC Copenhagen iyo Galatasaray.

Kaddib ciyaarta Munich ayay isku diyaarin doonaan safarka ay ugu tegayaan Liverpool, waxaana ciyaartaasi ay iman doontaa iyadoo United niyad-jabsan amaba faraxsan oo si dhif ah ugu soo gudubtay wareegga 16ka Champions League.

Bruno Fernandes oo muhiim u ah Manchester United ayaan qayb ka noqon doonin ciyaarta Anfield kaddib kaadhkii digniinta ahaa ee la siiyey kulankii Bournemouth, waxaana uu ahaa kaadhkii shanaad ee uu qaato xilli-ciyaareedkan socda.

Garsoore Peter Bankes ayaa ka kaadhka ka haysan kari waayey Bruno Fernandes, waxaana sida uu sharcigu dhigayo uu ka maqnaan doonaa hal ciyaar oo noqon doonta kulanka adag ee Liverpool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga