Real Betis Oo Soo Afjartay Guulihii Xidhiidhka Ahaa Ee Real Madrid Iyo Jude Bellingham Oo Mar Kale Gool Dhaliyey

Kooxda kubadda cagta Real Betis ayaa barbarro 1-1 ah ku qabatay Real Madrid kulan si weyn indhaha loogu hayay oo Los Blancos ay ka hor imanayeen tababaraheedii hore ee Manuel Pellegrini iyo Isco oo isku muujiyey ciyaartan.

Jude Bellingham ayaa Real Madrid hoggaanka ugu dhiibay gool qurux badan oo uu bilowga qaybta labaad dhaliyey, hase yeeshee Betis ayaa dhibicdeeda ku heshay gantaal uu meel fog ka tuuray Aitor Ruibal.

Ciyaartan oo ahayd mid ay fursado badan heleen labada kooxoodba, laakiin ay ka faa’iidaysan waayeen ayaa waxa inta badan maamulaysay Real Madrid oo marti ahayd, isla markaana ay khadkeeda dhexe iyo weerarkeedu illoobeen sidii goolasha loo dhalinayay.

Dedaal waqti hore ahaa oo uu sameeyey Roca waxa badbaadiyey Lunin oo ay kubaddu ku beegnayd, hase yeeshee Real Madrid ayaa uu hoggaanka u dhiibay Brahim Diaz ka hor intii aanu garsooruhu diidin ee aanu u sheegin in uu offside ku jiray Rodrygo waqtigii kubadda lasoo dhisayay.

Luka Modric ayay nasiib-darro ku dhacday oo goolka hortiisa uu kubbad madaxa ugu saaray Rodrygo, balse dhinac mariyey, halka laad xor ah oo David Alaba uu tuuray uu waxyar dhinaca ka maray birta balse Rudiger uu isaguna goolka dul-mariyey kubbad halis ahayd oo uu ku qabtay.

Daqiiqaddii 53aad ayaa uu Jude Bellingham hurdada ka toosiyey taageereyaasha ku caajisay ciyaarta, waxaana kubbad uu dhinaca bidix kasoo xoogsaday uu lasoo galay khadka dhexe, isagoo u dhiibtay Brahim Diaz oo isaguna uga dul-qaaday difaacyahannada, waxaana uu xiddiga England ula tegay goolhaye Silva oo uu dhinaca ka dhigay.

Goolkan ayaa ahaa goolkii 13aad ee horyaalka LaLiga uu xilli-ciyaareedkan ka dhaliyo Jude Bellingham, waxaana uu hoggaaminayaa gool-dhalinta horyaalka Spain ee LaLiga iyo midka kooxdiisa.

Real Betis oo diidday inay is-dhiibto, isla markaana si adag u dagaallamaysay ayaa samaysay isku-dayo ay ku raadinayso goolka barbarraha.

Daqiiqaddii 66aad ayaa Aitor Ruibal uu masaafo 25 yard ah ka toogtay goolka, waxaanay kubaddu dhinaca midig ka haleeshay goolka uu waardiyaha ka ahaa Andrey Lunin oo awoodi waayey in uu xataa taabto kubadda.

Dani Ceballos oo beddel kusoo galay iyo Jude Bellingham ayaa u dhowaaday inay goolal kale u dhaliyaan Real Madrid, hase yeeshee Isco ayaa wadnaha jaray jamaahiirta kooxdiisa hore ee Real Madrid iyo tababarihiisii hore ee Carlo Ancelotti, kaddib markii uu madax ku qabtay kubbad uu dhinaca midig ka keenay Henrique oo uu Isco madax ku qabtay, taas oo ku dhacday birta oo dib uga soo noqotay goolka.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro 1-1 ah, waxaanay natiijadani ka dhigan tahay in Real Madrid ay wali hoggaanka horyaalka LaLiga hayso oo ay leedahay 39 dhibcood, waxaanay hal dhibic ka horreysaa Girona oo habeen dambe la ciyaari doona Barcelona, halka Real Betis ay fadhido kaalinta toddbaad oo ay ku haysato 26 dhibcood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga