Aston Villa Oo Guul-darro Xanuun Badan U Xambaarisay Arsenal Iyo Liverpool Oo Faraxsan

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa loo xambaariyey guul-darradii labaad ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee xilli-ciyaareedkan, waxaana 1-0 ku garaacday Aston Villa oo kaalinta labaad u ridday Gunners.

Gool madi ah oo uu dhaliyey John McGinn ayaa go’aamiyey ciyaar si adag loogu dagaallamaya oo ay Arsenal ku lumisay hoggaanka horyaalka Premier League oo si buuxda Liverpool ay ugala wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League.

Aston Villa oo toddobaadkii hore guul ay u qalmaysay kasoo gaadhay Manchester City ayaa waxa ay isla dariiqaas oo kale marisay Arsenal oo ay ka qaadatay saddex dhibcood oo muhiim ah.

Daqiiqaddii toddobaad ee bilowga ciyaarta ayaa uu xiddiga reer Scotland ee John McGinn dhaliyey goolka kala saaray labada kooxood, kaas oo sidoo kale sabab u noqday in Aston Villa ay hal dhibic kaliya ka dambayso Aston oo kaalinta labaad ku jirta.

Ciyaartan oo uu ganaax kaga maqnaa tababare Mikel Arteta oo dusha sare ee garoonka fadhiyey, ayaa waxay Arsenal waqtigii dheeraadka ahaa dhalisay gool uu u saxeexay Kai Havertz, kaas oo markii laga soo hubiyey VAR ay xaqiijisay in ay kubaddu gacanta kaga dhacday xiddiga reer Germany ka hor intii aanu goolka dhalinin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga