Hordhac: Chelsea Vs Liverpool: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Final-ka Carabao Cup-ka.

Kooxaha chelsea iyo Liverpool ayaa isaga hor iman doona kulanka Final-ka Carabao cup-ka.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya ku guulaysiga koobkii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka.

Kulanka: Chelsea Vs Liverpool

Tartanka: Carabao Cup

Wakhtiga: 6:30

Garoonka: Wembley

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaa bar-baro la gashay Liverpool 5-tii kulan ee ugu dambeeyay oo ay garoonkeeda ku ciyaartay tartamada oo dhan.

Chelsea ayaa barbaro gashay qeybta nasashada iyo waqtiga buuxa 5-tii kulan ee ugu dambeeyay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay Liverpool tartamada oo dhan.

Klopp ayaa hogaaminaya rikoorka fool ka foolka ah ee u dhexeeya labada tababare isaga oo badiyay 7 kulan halka uu bar-baro galay 5 kulan kaliya hal kulan laga badiyay 13 kulan oo uu hore u la qaatay Pochettino tartamada oo dhan.

Iyadoo Chelsea iyo Liverpool ay ku kulmeen laba final oo hore oo EFL Cup ah iyo laba ciyaarood oo FA Cup ah, kani wuxuu noqon doonaa kulankii ugu horeeyay ee shanta final ee koobka England waa wayn.

Laacibkii hore ee Chelsea Raheem Sterling ayaa noqon kara ciyaaryahankii 12-aad ee ka soo muuqday shan final oo EFL Cup ah. Wuxuu ku guuleystay afartii hore, 2016, 2019, 2020 iyo 2021.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga