Waa Loo Sabray!! Wixii Uu Jadon Sancho Ka Sameeyey Garoonka Tababarka Ee Loogu Dul-qaatay Oo La Shaaciyey

Jadon Sancho waxa uu dibed joog ka yahay Manchester United oo laga caydhiyey bishii September ka hor ciyaartii Arsenal, waqtigaas oo uu tababare Erik ten Hag sheegay in uu ku xun yahay tababarka, sidoo kalena uu laacibkani u jawaabay oo uu beenaale ku tilmaamay macallinkiisa.

Ten Hag oo shalay ka hadlay xaaladda laacibkan ayaa sheegay in aanay wali waxba isbeddelin, waxaana uu sheegay shuruudda kaliya ee uu Jadon Sanco dib ugu soo laaban karayo kooxda.

23 jirkan ayaa mustaqbalkiisa Old Trafford uu mugdi ku jiraa, waxaana ay u badan tahay in bisha January lagu diro amaah, haddii kalena xagaaga si rasmi ah loo iibiyo haddii uu kooxda sii joogo tababare Ten Hag.

Macluumaad dheeraad ah ayaa kasoo baxay waxyaabihii uu laacibkani sameeyey ee loogu dul-qaatay ka hor intii aan la eryin, waxaana la xaqiijiyey in uu marar badan tababarka uga maqnaaday cudur-daar la’aan.

Waxa kale oo uu laacibkani iman waayey garoonka tababarka kaddib markii laga saaray liiska kooxda koowaad 3dii September ka hor ciyaartii Arsenal ay 3-1 ku garaacday, waxaana uu iska soo xaadirin waayey tababarka gaarka ah ee uu ku qaato Carrington, taas oo iyaduna sii xumaynaysa xaaladdiisa Red Devils.

Sancho ayaa lagu amray inuu kooxda da’yarta la qaato tababarka balse waxa uu awoodi waayey inuu si joogto ah u yimaaddo, waana si’ la mid ah sidii uu ka sameeyey kooxda koowaad ee sababta u noqotay in uu dibed joogga noqdo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga