Victor Osimhem Oo Kusii Jeeda London, Saxeexa Cusub Ee Man United, Liverpool Oo Afduubanaysa Palhinha Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta

Manchester United iyo Borussia Dortmund ayaa ka shaqaynaysa heshiis ciyaartooyo is-dhaafsi ah oo ay kula kala wareegayaan Jadon Sancho oo ku laabanaya Dortmund iyo Donyell Malen oo ay Man United soo qaadanayso. (Bild)

Dortmund waxa kale oo ay ogolaan kartaa, in Malen ay kaga iibiso Manchester United lacag dhan 30 milyan oo Euro. (Christian Falk)

Manchester United waxay diyaar u tahay inay bisha January iibiso khadka dhexe ee reer Denmark ee Christian Eriksen oo 31 jir ah. (Football Insider)

Liverpool ayaa kusoo biirtay tartanka loogu jiro khadka dhexe ee kooxda Fulham ee Joao Palhinha. Xiddiga reer Portugal ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo reer Yurub ah sida Man United, Arsenal iyo Bayern Munich. (Teamtalk)

Javi Guerra oo ah 20 jir khadka dhexe uga ciyaara Valencia ayaa waxa saxeexoosa ku dagaallamaya Manchester United iyo Juventus. Red Devils ayaa si ay uga horqaaddo Juve waxay bixinaysaa £34 milyan oo Gini. (Mirror)

Tottenham waxay ka fiirsanaysaa inay iibiso weeraryahanka reer razil ee Richarlison oo ah 26 jir ay doonayaan kooxaha horyaalka Sucuudigu. (Football Insider)

Jurgen Klopp ayaa hoos u dhigay soo-jeedinta ah in kooxdiisu ay la saxeexanayso ciyaartoy u beddela Joel Matip oo dhaawac u jiifaya illaa dhamaadka xilli-ciyaareedka. (Mirror)

Tababarihii hore ee Wolves ee Julen Lopetegui ayaa ogolaaday in uu noqdo macallinka cusub ee kooxda Nottingham Forest ee ku dhibaatoonaysa horyaalka Premier League, kaddib markii uu iska diiday kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Ittihad. (Talksport)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga