SAADAAL: Arsenal Oo Lagu Dhegayo, Farxaddii United Oo Lasoo Afjarayo, Natiijada Liverpool Iyo Saadaasha Khabiirka Ciyaaraha Chris Sutton Ee Usbuuca 14aad Ee Premier League

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa la ciyaari doonaa kulamadii 14aad oo kusoo beegmaya xilli ay hoggaanka isku ballaadhisay Arsenal, kaddib markii ay Manchester City si lama filaan ah u hoobatay oo ay Arbacadiina guul-darro kala kulantay Aston Villa.

Khabiirka ciyaaraha BBC Sports ee Chris Sutton oo saadaaliyey kulamadan, ayaa waxa uu sheegay, in kooxda farxayasa toddobaadkan ay tahay Liverpool oo Sabtida oo waqti hore ah la wareegi doonta hoggaanka marka ay booqdaan Crystal Palace.

Reds ayaa haddii ay badiso waxay hoggaanka sii hayn doontaa illaa inta ay soo baxayso natiijada ciyaarta Arsenal iyo Aston Villa oo fiidka hore ku dagaallami doona Villa Park.

Gunners ayaa dib usoo ceshan doonta hoggaanka horyaalka haddii ay ka badiso Aston Villa, balse Chris Sutton waxa uu saadaaliyey in ciyaartani kusoo dhamaan doonto barbarro 1-1 ah oo ay Gunners lumin doonto laba dhibcood oo ka galaafan doona hoggaanka horyaalka Premier League, maadaama ay Liverpool ka goolal badan tahay.

Waxa kale oo soo dhamaan doona farxaddii Manchester United ee ka dhalatay guushii ay ka gaadheen Chelsea usbuucan, waxaanay laba dhibcood ku lumin doonaan Bournemouth sida uu saadaaliyey khabiirku, waxaase natiijadaas oo kale la iman doonta Chelsea oo safar ugu tegaysa Everton, halka Newcastle ay barbarro rafaad ah la geli doonto Tottenham oo afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka aan guuleysanin.

Manchester City oo sagaal dhibcood lumisay afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo ay guul la’aan ahayd, waxaana ay usbuucan ku cadho burburi doonaan Luton Town.

Saadaasha Chris Sutton oo dhamaystiran

Sabti

Crystal Palace 0-2 Liverpool

Brighton 3-1 Burnley

Man United 1-1 Bournemouth

Sheffield United 0-1 Brentford

Wolves 2-0 Nottingham Forest

Aston Villa 1-1 Arsenal

Axadda

Everton 1-1 Chelsea

Fulham 2-1 West Ham

Luton 1-3 Man City

Tottenham 3-3 Newcastle

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga