“Waa Kabtanka Cusbitaalka!!” – Jamaahiirta Chelsea Oo Ka Dalbaday Reece James Inuu Ka Fadhiisto Ciyaaraha Kaddib Xogta Cusub Ee Dhaawaciisa

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ka dalbaday kabtanka kooxdooda ee Reece James in uu ka fadhiisto ciyaaraha oo aanu dib dambe ugu soo noqonin garoomada, kaddib markii ay soo baxday warbixinta baadhitaanka dhaawac cusub oo soo gaadhay toddodaadkan, kaas oo muujiyey in aanu laacibkani ciyaari doonin illaa bisha March ee sannadka dambe.

James ayaa garoonka ka baxay qaybta hore ee ciyaartii Everton ee Sabtidii ee sida xun loo karbaashay kooxdiisa, waxaana warbixin ay kooxdu soo saartay ay muujisay in muruqa bowdada uu dhaawac kasoo gaadhay, isla markaana uu garoomada kusoo laaban doono dhamaadka bisha February ama horraanta March.

Difaaca reer England oo hore ugu dhaawacmay ciyaartii lagu furay horyaalka ee Liverpool ay bishii August barbarraha ku galeen garoonka Stamford Bridge, ayaa waxa uu soo laabtay bishii hore ee November, haddana waxa soo gaadhay dhaawac kale oo xilli-ciyaareedkiisa ka dhigaya mid niyad-jab ah.

24 jirkan ayaa waxa sannadihii ugu dambeeyey daashaday dhaawacyo jilibka iyo muruqyada ah, waxaana xilli-ciyaareedkii tegay uu ka maqnaa 35 kulan ;oo ay kooxdiisu dheeshay horyaalka Premier League.

Kaddib markii ay soo baxday warbixinta baadhitaanku ee la xaqiijiyey, in James uu maqnaanayo muddo laba bilood iyo dheeraad ah, taageereyaasha kooxda ayaa falcelin ka sameeyey dhaawaciisa, waxaanay qaarkood ku tilmaameen in uu yahay ‘kabtanka cusbitaalka’, halka kuwo kalena ay ka dalbadeen in uu ciyaaraha iskaga fadhiisto.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga