Carlo Ancelotti Oo Magacaabay Kooxda Kaliya Ee Real Madrid Ku Garaaci Karaysa Champions League

Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa magacaabay hal koox oo kaliya oo uu rumaysan yahay in ay awood u leedahay in Real Madrid ka reebto tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedkan oo ay Los Blancos usoo gudubtay wareegga 16ka.

Real Madrid ayaa ah kooxda ugu guulaha badan tartanka Champions League, waxaanay qaadday 14 jeer iyadoo laba-jibbaar ka badan kooxda kusoo xigta, laakiin xilli-ciyaareedkii hore waxa wareeggii afar-dhamaadka ku reebtay Manchester City oo koobka ku guuleysatay.

Los Blancos ayaa isku xoojisay Jude Bellingham xagaagii, waxaana uu illaa hadda u dhaliyey 12 gool oo horyaalka LaLiga ah iyo tartanka Champions League oo uu shabaqa saaxiib la ahaa kulamadii uu saftay, waxaana ay jamaahiirtu filayaan in uu ka caawin doono in xilli-ciyaareedkan 2023/24 ay ku guuleystaan Champions League markii 15aad.

Inkasta oo bixitaankii Karim Benzema ay hoos u dhigtay weerarka Real Madrid oo ay gool-dhalintoodu yaraatay, haddana difaacooda iyo khadka dhexe ayaa qaatay masuuliyaddii, iyaga oo kaalinta koowaad kaga soo gudbay Group C.

Carlo Ancelotti oo saxaafadda la hadlay ayaa la weydiiyey haddii ay jirto koox Real Madrid ku garaaci karaysa Champions League ayaa waxa uu markiiba lasoo booday Manchester City oo uu xusay inay tahay kooxda ugu cadcad.

Tababarahan Talyaaniga ah ayaa yidhi: “City ayaa ah kooxda ugu cadcad sababtoo ah waxay haystaan kooxdii xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysatay oo aanay waxba iska beddelin. Sidaas oo ay tahay, haddana Champions League waxa uu mararka qaarkood ku dhamaadaa si lama filaan ah.

“Real Madrid waa koox dagaallamaysa illaa dhamaadka. Marnaba annagu kuma firkino in aanu nahay kooxda ugu cadcad, sidaas oo kale ayaan u malaynayaa City-na. Sannadkii hore way ku guuleysteen, haddana way ku guuleysan karayaan Champions League.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga