Virgil van Dijk Oo Fariin Ku Saabsan Suuqa Kala Iibsiga U Diray Maamulka Liverpool.

Kabtanka kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in ay sameeyaan saxiixyo cusub ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga.

Liverpool ayaa ah kooxda kaliay een wax saxiix ah samayn 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub.

Van Dijk ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in ay la soo saxiixdaan xiddigo cusub maadama uu xilli ciyaareedku dheeraan doono.

“Sida iska cad waxaan qabaa inaan sameyno saxiixyo cusub maadama xilli ciyaareedku muddo dheer socon doono”ayuu yidhi.

“Waxaan filayaa inay si hoose uga shaqaynayaan waxaanan si buuxda ugu qanacsanahay oo aan ku kalsoonahay kooxda waxana ay samayn doonaan waxa saxda ah”

“Waxa aan u baahanahay xiddigaha ugu fiican si aan ugu tartano koobabka xilli ciyaareedka cusub”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga