Erik ten Hag Oo Shaaca Ka Qaaday Khaladkii Ay Man United Samaysay Goolkii Guusha ee Fulham.

Erik ten Hag ayaa ka xumaaday cadaadis la’aanta kooxdiisa ee goolkii guusha ee ay dhalisay Fulham kulankii Sabtidii.

Reds ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay Fulham kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa premier League.

Man United ayaa bar-baraysay ciyaarta daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta iyada oo uu Harry Maguire dhaliyay goolka.

Laakiin Fulham ayaa isla markiiba ka jawaabtay iyaga oo daqiiqadihii ugu dambeeyay dhaliyay goolka guusha.

Tababaraha Ten Hag ayaa sheegay in uuna la dhacsanayn sidii ay kooxdiisu cadaadiska u saartay kooxda Fulham ka hor goolka.

“Waxa ay ahayd gacan ku tuur ay heshay fulham, waxa aan saarnay cadaadis laakiin hal xiddig ayaa joogay boos khaldan”ayuu Ten Hag yidhi.

“Koox ahaan waxa ay ahayd in aan maamulno oo uu xiddig kasta joogo booska saxda ah”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga