Vinicius Junior Oo Ku Jees-Jeesay Barcelona Kadib Guushii El Clasico

Xidigga kooxda Real Madrid ee Vinicius Junior ayaa ku jees jeesay xiddiga da’da yar ee Barcelona Fermin Lopez ka dib markii ay Kooxdiisu ka badisay Barcelona.

Ciyaartii labada kooxood ku dhexmartay garoonka Santiago Bernabeu Stadium ayaa ku soo idlaatay 3-2.

Kooxda Merengue ayaa waxaa u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Vinicius Junior, Lucas Vazquez iyo Jude Bellingham, halka Barcelona ay goolasha u kala dhaliyeen Andreas Christensen iyo Fermin Lopez.

Vinicius Junior ayaa ka fal celiyay qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter (X).

isagoo ku jeesjeesay xiddiga Barcelona ee Fermin Lopez.

Barta twitter-ka waxaa ku jiray sawirka Fermin oo u dabaaldegaya goolkiisii kulankii Real Madrid isaga Oo u dabaal-dagaya qaabka uu Jude Bellingham ugu dabaal-dago goolasha.

Vinicius Junior ayaa Soo dhigay Twitterka sawir muujinaya qosol.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga