Carragher Oo Sheegay Kulan Sabab U Noqon Kara In Erik Ten Hag Laga Caydhiyo Shaqada Man United.

Jamie Carragher ayaa aaminsan in uu guushii ay Man United ka gaadhay kooxda Coventry City ay sabab u noqon karto in uu Ten Hag waayo shaqadiisa.

Man United ayaa guul rikoodhayaal ah kaga badisay kooxda Coventry kulan ka tirsanaa Semi-final-ka tartanka FA Cup-ka.

Waxa la filayay in ay Man United gaadho guul aad u fudud laakiin Coventry ayaa samaysay soo laabasho iyada oo xitaa ku sigatay in ay ka badiso United.

“Waxa aan qabaa in ay natiijadaas sabab u noqon doonto in Ten Hag shaqada laga caydhiyo”ayuu Carragher yidhi.

“Ma garan karo sida uu ku sii joogi doono kooxda, runtii ma garanayo”.

“Waxa uu ahaa qaab ciyaareed liita, waxa laga yaabaa in ay xiddigaha kooxdu ka xishoonayaan daawadashada kulanka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga