Alisson Oo Soo Laabtay Iyo Shanta Isbeddel Ee Uu Jurgen Klopp Ku Sameeyey Safkii Kulanka Crystal Palace

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dib u heshay goolhaye Alisson Becker oo kasoo laabtay dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Man City ee bishii hore, waxaana uu ka mid noqday shan isbeddel oo uu tababare Jurgen Klopp ku sameeyey safkii uu kusoo garaacay Sheffield United, iyadoo ay hadda ku sugan yihiin magaalada London oo ay marti ugu yihiin Crystal Palace.

Alisson ayaa beddelay Caoimhim Kelleher, halka Ibrahima Konate, Joe Gomez, Alexis Mac Allister iyo Cody Gakpo ay iyaguna xaalado kala duwan kaga baxeen safka kooxda, waxaana dhaawac ah Mac Allister, halka kuwa kalena kaydka loo diray.

Waxa uu Jurgen Klopp soo qaddimay Darwin Nunez, Kostas Tsimikas, Ryan Gravenberch iyo Jarell Quansah oo kusoo bilowday kulanka Selhurst Park.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Liverpool XI: Alisson, Alexander-Arnold, Quansah, Van Dijk, Tsimikas, Szoboszlai, Endo, Gravenberch, Salah, Nunez, Diaz.

Kaydka: Kelleher, Gomez, Konate, Jones, Gakpo, Elliott, Doak, McConnell, Bradley.

Crystal Palace XI: Johnstone, Ward, Guehi, Andersen, Clyne, Richards, Lerma, Hughes, Schlupp, Ayew, Edouard.

Kaydka: Matthews, Tomkins, Olise, Oliviera, Mateta, Ebiowei, Ahmada, Riedewald, Ozoh.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga