Van Dijk Iyo Szoboszlai Oo Guul Ku Hoggaamiyey Liverpool Oo Ku Dhowaatay Arsenal

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guul ay ku rafaadday kasoo gaadhay kooxda ugu hoosaysa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee Sheffield United, waxaanay u dhowaadeen oo ay laba dhibcood u jirsadeen Arsenal oo hoggaanka haysa.

Laba gool oo labadii qaybood ee ciyaarta ay kala dhaliyeen Virgil van Dijk iyo Dominik Szoboszlai ayaa Liverpool siiyey guul muhiim ah oo ay ku xaqiijisteen in ay sii haysanayaan kaalinta labaad sidoo kalena ay kaabiga ku haynayaan Arsenal.

Liverpool oo dersin ciyaartooyo ah ka dhaawacan yihiin ayaa diidday inay is-dhiibto, waxaana qaybtii horeba qalbigooda guusha geliyey Virgil van Dijk oo kubbad uu ka helay xerada ganaaxa ku qabtay darbad xooggan oo uu goolhayaha Sheffield United awoodi waayey in uu raaco.

Kooxda martida loo ahaa ayaa samaynaysay dedaal badan, si jamaahiirtooda soo buuxiyey garoonka Bramall Lane ay niyadda ugu dejiyaan, uguna muujiyeen in ay ka dagaallamayaan in ay heerka labaad u dhacayaa, ayaa ka faa’iidayn waayey fursadihii ay heleen.

Qaybta hore oo ay firfircoonayd Liverpool, waxa kubbado ka dafiray difaaca Sheffield United oo feejignaan badan ka muuqatay, balse Virgil van Dijk ayaa kubbad madax ahayd oo uu ku qabtay ay waxyar ka dallacantay.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayaa waxa Liverpool dhaawac kaga baxay Alexis Mac Allister, waxaana uu Jurgen Klopp ku qasbanaaday in uu isbeddel waqti hore ah sameeyo.

Sheffield United ayaa culasy badan soo saartay difaaca Liverpool iyadoo khadka dhexena u muuqanaysay in ay daashay oo ay ogolaadeen in ay si fudud ku lumiyaan kubbadaha, illaa laga soo gaadhayay dhamaadka ciyaartana waxa fursadaha badan helaysay Sheffield United.

Daqiiqaddii 95aad ayay Liveprool heshay gool labaad oo uu u dhaliyey Dominik Szoboszlai oo si dhab ah ugu xaqiijiyey Jurgen Klopp in saddexda dhibcood aan lagaga daba imanayn, waxaana uu dhamaystiray baas hadiyad ahaa oo uu ka helay Darwin Nunez.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Liverpool ay yeelata 34 dhibcood, waxaanay laba dhibcood ka dambaysaa Arsenal oo hoggaanka haysa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga