Rashford Iyo Martial Oo Kaydka Loo Diray Kulanka Adag Ee Man United vs Chelsea – Yaa Kusoo Bilowday Yaase La Fadhiisiyey?

Manchester United iyo Chelsea ayaa uu dagaal adag ku dhax-marayaa garoonka Old Trafford, waxaana uu tababare Erik ten Hag kaydka u diray Marcus Rashford iyo waliba Anthony, waxaana uu ka doortay Alejandro Garnacho, Antony iyo Rasmus Hojlund oo kusoo wada bilowday afka hore ee weerarka.

Red Devils oo Sabtidii guul-darro xanuun badan oo 1-0 ahayd kala soo kulantay Newcastle United, waxa waxa kale oo uu Ten Hag fadhiisiyey Aaron Wan-Bissaka iyo Kobbie Mainoo, iyadoo ay safka hore kusoo laabteen Sofyan Arabat iyo Victor Lindelof.

Chelsea waxa dib ugu soo laabtay Cole Palmer oo beddelay Connor Gallagher oo ku maqan ganaaxa kaadh casaan ah oo uu qaatay ciyaartii Brighton ee Axaddii.

Waxa kale oo uu tababare Mauricio Pochettino doortay Marc Cucurrella oo kaydka dhigay Benoit Badishile iyadoo afar difaac ah ay Blues kusoo gashay.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Manchester United XI: Onana, Dalot, Lindelof, Maguire, Shaw, Amrabat, McTominay, Fernandes, Garnacho, Antony, Hojlund.

Kaydka: Bayindir, Martial, Rashford, Reguilon, Pellistri, Wan-Bissaka, Van de Beek, Evans, Mainoo.

Chelsea XI: Sanchez, Cucurella, Disasi, Silva, Colwill, Sterling, Fernandez, Caicedo, Mudryk, Palmer, Jackson.

Kaydka: Petrovic, Badiashile, Broja, James, Maatsen, Deivid, Gilchrist, Matos, Castledine.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga