Ugu yaraan 10 xul ayaa si rasmi ah uga haray Koobka Adduunka 2026.
Xulka Curaçao ayaa noqday waddankii ugu dambeeyay ee Waqooyiga Ameerika ka hara tartanka, kaddib markii ay 2-0 uga adkaatay Ivory Coast.
Labada gool ee uu dhaliyay Nicolas Pépé ayaa xaqiijiyay in Ivory Coast ay u gudubto wareegga bug-baxa, halka Curaçao oo markii ugu horreysay ka qaybgalaysay Koobka Adduunka ay macasalaamaysay tartanka.
Xulalka kale ee Waqooyiga Ameerika ee tartanka ka haray waxaa ka mid ah Panama iyo Haiti.
Dhanka Yurub, waxaa tartanka ka haray Scotland, Turkey, iyo Czech Republic.
Sidoo kale, qaaradda Aasiya waxaa ka haray Qatar, Uzbekistan, iyo Jordan, halka Tunisia ay tahay xulka keliya ee Afrika ilaa hadda si rasmi ah uga haray tartanka.
Waxaa weli jira lix xul oo kale oo la filayo in si rasmi ah loo xaqiijiyo inay ka hareen tartanka ka hor inta aan la bilaabin wareegga 32-ka xul.
Be the first to comment